Maxkamadda Hargeysa oo Xukuntay Dhalinyaro Xaaraan ay Cunayeen Ramadaanta lagu soo qabtay oo Gabadhi ku Jirto

DHALINYARO XAARAAN LAGU SOO QABTAY OO AY MAXKAMADDA DEGMADA HARGEYSA XUKUNNO KU RIDDAY 15 JUNE 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Maxkamadda degmada Hargeysa, ayaa Xukunno ku ridday toddoba Dhalinyaro ah oo ay mid ka mid ahi Gabadh tahay, kuwaas oo ay Ciidammada Boolisku ku soo qabteen iyaga oo Cunto iyo Qaad ku cunaya Beer ku taalla Xaafadda Masallaha ee magaalada Hargeysa, isla markaan qaarkood qirteen, kuwo kalena Markhaatiyo Maxkamadda kaga marag-fureen inay Xaaraan quudanayeen Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

DHALINYARO XAARAAN LAGU SOO QABTAY OO AY MAXKAMADDA DEGMADA HARGEYSA XUKUNNO KU RIDDAY 15 JUNE 2017
DHALINYARO XAARAAN LAGU SOO QABTAY OO AY MAXKAMADDA DEGMADA HARGEYSA XUKUNNO KU RIDDAY 15 JUNE 2017

Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Hargeysa Cabdirashiid Beer-geel oo ku dhawaaqay Xukunkaas iyo qodobbada Ciqaabta ah iyo weliba Aayadaha Qur’aanka ah ee ay Maxkamaddu u cuskatay Xukunkooda, ayaa faahfaahiyey qaabkii loo soo qabtay iyo qirashada Dhalinyaradaas.

Waxaa lagu xukumay min Lix Bilood oo Xadhig Xabsi ah iyo min Hal Milyan oo Ganaax lacageed ah, halka laba Nin oo laba Gaadhi oo u adeegayey Dhalinyartaas Xaaraanta cunayey, lagu xukumay inay bixiyaan min Laba Milyan oo adeegga ay ku fulinayeen Baabuurtooda ah.

Haddaba, Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Cabdirashiid Beer-geel oo Faahfaahinaya qaabka Dhalinyartaas loo soo qabtay, kuwa qirashada sameeyey, kuwa dafiray ee lagu Markhaati furay iyo Xukunka Dhalinyartaas Maxkamaddu ku ridday, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.