Prof: Galaydh iyo Siyaasiyiinta Reer Sool ee Xilalka ka haya Somaliland oo Dood Adagi ku dhex-martay Hargeysa – Ka Bogo Codad laga Duubay

CALI KHALIIF GALAYDH IYO SIYAASIYIINTA REER SOOL EE XILALKA KA HAYA SOMALILAND OO DOOD ADAGI DHEX-MARTAY 15 JUNE 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Siyaasiyiinta u dhashay gobolka Sool iyo Buuhoodle ee Dawladda Somaliland ka tirsan, ayaa dood adagi ku dhex-martay kulan ay Xalay ku yeesheen magaalada Hargeysa, kaasoo ay si adag ugu garnaqsadeen uguna doodeen mawqifka Khaatumo iyo Somaliland.

CALI KHALIIF GALAYDH IYO SIYAASIYIINTA REER SOOL EE XILALKA KA HAYA SOMALILAND OO DOOD ADAGI DHEX-MARTAY 15 JUNE 2017
CALI KHALIIF GALAYDH IYO SIYAASIYIINTA REER SOOL EE XILALKA KA HAYA SOMALILAND OO DOOD ADAGI DHEX-MARTAY 15 JUNE 2017

Haddaba, doodda ugu adag oo dhex-martay Prof: Cali Khaliif Galaydh oo ku doodayey in Khaatumo tahay Maamul jira oo ay Somaliland aqoonsan tahay, isla markaana wadahadal u socdo, Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Xubno kale oo ku doodayey inaanu jirin wax Maamulka Khaatumo la yidhaahdo, isla markaana ay yihiin Dhulbahante Beel ka tirsan Beelaha Somaliland, sidaas awgeedna laga wadahadlo Danta Beesha iyo waxay tabashadoodu tahay.

Haddaba, Dooddada Siyaasiyiinta Sool iyo Buuhoodle ka soo jeeda ee Golayaasha Dawladda Somaliland ka tirsan iyo Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ku dhex-martay Kulankaas ay xalay ku wada yeesheen magaalada Hargeysa, Codad laga duubay oo u muuqday kuwo aan Warbaahinta loogu talo-galin, balse Saxaafadda qaarkeed soo bandhigeen Maanta, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.