“Museveni wuxu igu yidhi; ‘Ma Raysal-wasaarihii Farmaajo ayaad tahay?’ Al-Bashiirna.. Anna waxaan ku idhi..” Xasan Cali Khayre – Sheeko Xiiso leh

MADAXWEYNAHA SUDAN, RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA IYO MADAXWEYNAHA UGANDA IYO KAFTAN DHEX-MARAY 15 JUNE 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa ka sheekeeyey Sheeko dhex-martay Wefti uu isagu hoggaaminayo iyo Madaxweyneyaasha Waddamada Uganda iyo Suudaan Yoweri Museveni iyo Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay toddobaadkan ku kulmeen Shirkii Madaxda Urur-goboleedka IGAD ee Addis Ababa ka qabsoomay maalmo ka hor.

MADAXWEYNAHA SUDAN, RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA IYO MADAXWEYNAHA UGANDA IYO KAFTAN DHEX-MARAY 15 JUNE 2017
MADAXWEYNAHA SUDAN, RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA IYO MADAXWEYNAHA UGANDA IYO KAFTAN DHEX-MARAY 15 JUNE 2017

Raysal-wasaare Khayre oo Xaflad xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho Khudbad ka jeediyey, ayaa sheegay in Madaxweynaha Uganda iyo Madaxweynaha Sudan su’aalo isku mid ah weydiiyeen, marka laga tago su’aal uu Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni weydiiyey, waxaanu Xasan Cali Khayre oo Su’aashaa sharraxayaa yidhi; “Madaxweynaha Uganda oo Hool aannu fadhinay Aniga iyo Wasiirro ila socday noogu soo galay igu yidhi; ‘Ma Raysal-wasaarihii Farmaajo ayaad tahay?’ Aniguna waxaan ku idhi; ‘Maya ee Raysal-wasaarihii Soomaaliya ayaan ahay’.”

Waxa Raysal-wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Khayre oo isaga oo Khudbaddiisa wada la maqlay dhawaaqa Qarax iyo Rasaas ay Al-Shabaab xalay ku weerartay Makhaayado ku yaalla Muqdisho, waxaannu hadallada ay is-weydaarsadeen labada Madaxweyne ee Suudaan iyo Uganda Khayre oo ka warramaya idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.