Dhimashada iyo Dhaawaca ka dhashay Weerar Al-Shabaab ku qaadday Makhaayado ku yaalla Muqdisho & Rasaas Weli Socota

CIIDANKA AMMAANKA SOOMAALIYA OO WADA DADKA AY KA SOO SAAREEN MAKHAAYADAHA LA WAREERAY EE MUQDISHO

Muqdisho(Aftahannews):- Ugu yaraan 11 Ruux ayaaa ku dhimatay, 24 kalena way ku dhaawacmeen Weerar xalay ay Al-Shabaab ku qaadday laba Makhaayadood oo ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, Dad kale oo badanina waxay ku xanniban yihiin Dhismayaasha, halka Dad kalena Ciidanka Ammaanku badbaadiyeen xalay.

CIIDANKA AMMAANKA SOOMAALIYA OO WADA DADKA AY KA SOO SAAREEN MAKHAAYADAHA LA WAREERAY EE MUQDISHO
CIIDANKA AMMAANKA SOOMAALIYA OO WADA DADKA AY KA SOO SAAREEN MAKHAAYADAHA LA WAREERAY EE MUQDISHO

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in weli rasaas laga maqlayo Maqaayadahaas ay weerareen Malleeshiyada Al-Shabaab. Weerarkaas oo Al-Shabaab Baabuur u adeegsatay, qaraxyada ka dibna waxa weerar toos ah ku galay Meheradahaas Dagaalyahanno Al-Shabaab ka tirsan. Dadka Gudaha Meheradaha laga soo badbaadiyey ayey ka mid yihiin Dad u dhashay dalalka Kenya iyo Itoobiya oo qaarkood Makhaayadaha ka shaqaynayeen.

GURMADKA DEGDEGGA AH EE GURAYA DADKA LAGU LAAYEY MAKHAAYADAHA LA WEERARAY IYO HAWLGALKA CIIDANKA OO SOCDA
GURMADKA DEGDEGGA AH EE GURAYA DADKA LAGU LAAYEY MAKHAAYADAHA LA WEERARAY IYO HAWLGALKA CIIDANKA OO SOCDA

Sidoo kale muddo kadib ayey Dablay galeen dhismaha Pizza House ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa sidoo kale saameeyey dhismaha Maqaayadda Posh Treats oo kasoo horjeedda.

Warar laga helayo Muqdisho, ayaa sheegaya in illaa Afar Dagaalyahanka Al-Shabaab ah ay galeen dhismaha, isla markaana ay rasaas isweydaarsanayaan Ciidammada Amniga. Weerarradaas waxaa Masuuliyaddooda sheegatay Malleeshiyada Al-Shabaab oo ku tilmaantay hawlgal lagu guulaystay.

Saraakiisha Ciidanka Ammaanka dawladda Soomaaliya, ayaan weli ka hadal weerarka. Ila-wareedyo ay soo xigatay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayaa sheegay in goobahaas ay Ciidammada Ammaanka ee sida gaarka ah u tabobbarani kasoo badbaadiyeen illaa 30 Qof oo ku jiray dhismaha Maqaayadaha la weeraray ee Posh Treats iyo Pizza House ee Caasimadda Muqdisho.

afathaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.