Tirada Dadka ku Dhintay iyo kuwa ku Dhaawacmay Dab Halakeeyey Dabaq Dheer oo London ku yaalla

Grenfell Tower blaze fire dead 12 Peaple 15 JUNE 2017

London(Aftahannews):- Ugu yaraan 12 Qof oo ay ku jiraan ilmo 12 jir ah iyo Oday 66 jir ahi, ayaa ku dhintay Dab ka kacay Dhismaha Grenfell Tower blaze oo ka koobnaa 27 Dabaq, isla markaana ku yaallay Galbeedka magaalada London ee waddanka Britain.

Grenfell Tower blaze fire dead 12 Peaple 15 JUNE 2017
Grenfell Tower blaze fire dead 12 Peaple 15 JUNE 2017

Booliska ayaa sheegay in laba iyo toban qof ay ku dhinteen dhisme dheer oo dab qabsaday oo ku yaal galbeedka magaalada London. Waxaana la filayaa in ay tirada dhimashadu korodho. Waxaa ku dhaawacmay 28 Ruux oo 18 Xaalad halis ah ay ku jiraan ama dhaawacoodu culus yahay iyo 10 sahlan ama dhaawacoodu fudud yahay, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Booliska iyo Kuwa Caafimaadku.

Shaqaalaha Dab-demiska oo lagu wargeliyey masiibadaas abbaaro 12:54 Habeennimo Saacadda London, ayaa ka badbaadiyey 65 Qof dhismaha dheer ee Grenfell Tower oo ku yaal Woqooyiga Kensington ama Galbeedka London.

Dad goob-joog ahaa, ayaa Warbaahinta u sheegay in Dadku ku go’doomeen dhismaha dheer oo ay u qayshanayeen in Carruurtooda loo soo gurmado oo la badbaadiyo, sida ay Faafisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du.

Wasiirka Booliska iyo Dab-demiska Nick Hurd, ayaa sheegay in ay hadda qorshaynayaan in ay baadhaan dhismeyaasha dhaadheer ee la midka ah kan gubtay.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in 68 qof oo dhaawacmay loo kala qaaday lix isbitaal oo ku yaal magaalada London, dadkaas oo ay ka mid yihiin 18 qof oo xaaladoodu ba’antahay.

Taliye Ku-xigeenka waaxda dab demiska London, Steve Apter, ayaa sheegay in “weli dab ka baxayo qolal ka mid ah dhismaha, kuwaas oo ah kuwa xaga sare ku yaal ee ay adag tahay in la gaadhaa, bal se dhismaha gabi ahaantiiba dadkii laga daad gureeyey”.

Ra’isal-wasaare Britain Theresa May, ayaa sheegtay in ay aad uga murugaysan tahay in Dad naftooda ku waayeen Shilkan, una aragto Masiibo, isla markaana ay ka tacsiyadaynayso Qoysaska Dadka ku dhintay iyo Bulshada Britain-ba. Dadka Dabkan ku dhintay, ayaa isugu jira Muslimiin iyo Kiristan-ba, qaarkood Afrikaan Dhalashada waddanka Britain haysta ahaayeen.

afathaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.