Wasiir Samsam oo Faahfaahisay Qodobbo ay ka Wadahadleen Wakiilka Midawga Yurub ee Soomaaliya

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO KULAN LA YEELATAY WAKIILKA MIDAWGA YURUB U QAABBILSAN SOOMAALIYA 14 JUNE 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa ka warrantay waxyaabaha ay ka wadahadleen Wakiilka Midawga Yurub u qaabbilsan Soomaaliya Veronique Lorenzo oo kulan ay wada yeesheen Arbacadii Maanta Haweenaydaas oo Hargeysa Booqasho ay ku joogaan iyada iyo Xubno kale.

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO KULAN LA YEELATAY WAKIILKA MIDAWGA YURUB U QAABBILSAN SOOMAALIYA 14 JUNE 2017
WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO KULAN LA YEELATAY WAKIILKA MIDAWGA YURUB U QAABBILSAN SOOMAALIYA 14 JUNE 2017

Kulankaasi markii uu soo dhammaaday, ayey Wasiirka Maaliyaddu la hadashay qaar ka tirsan TV-yada Somaliland ka hawlgala, waxaanay sheegtay inay Wakiilka Midawga Yurub ee Soomaaliya ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin Lacagta uu Madaxweyne Siilaanyo hore ugu ballan-qaaday ee doorashada Madaxtooyada kaga soo hagaagtay Somaliland oo ay Wasaaraddu ku wareejisay Guddiga doorashooyinka, Ballaadhinta Biyaha Hargeysa oo Midawga Yurub Maalgelinayo, ka qayb-qaadashada Ka Soo-kabashada Abaaraha Somaliland ka dhacay iyo Mashaariic kala duwan oo ay dalka ka wadaan, sida ay Wasiirku sheegtay.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo faahfaahinaysa qodobbadaas ay ka wadahadleen Danjiraha Midawga Yurub u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, waxaannu hadalkeeda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.