Khasaaraha ka dhashay Weerarro Mataano ah oo lagu Qaaday Baarlamaanka Dawladda Iiraan

BAARLAMAANKA IIRAAN IYO QABRIGA AASAASIHII DALKA IIRAAN OO WEERARRO LAGU QAADAY 07 JUNE 2017

Tehran(Aftahannews):- Ugu yaraan 12 Ruux ayaa ku dhintay, in ka badanina way ku dhaawacantay Weerarro mataano ah oo Maanta lagu qaaday Baarlamaanka Dawladda Iiraan iyo Qabriga Aasaasihii Iiraan ee Khomeini oo ku yaalla Caasimadda waddankaas ee Tehran.

BAARLAMAANKA IIRAAN IYO QABRIGA AASAASIHII DALKA IIRAAN OO WEERARRO LAGU QAADAY 07 JUNE 2017
BAARLAMAANKA IIRAAN IYO QABRIGA AASAASIHII DALKA IIRAAN OO WEERARRO LAGU QAADAY 07 JUNE 2017

Weerarka Baarlamaanka ka dhacay, ayaa la sheegay in la soo gabagabeeyay iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Dad afduub loogu haystay gudaha Baarlamaanka.

OLOLKA MID KA MID AH WEERARRADA BAARLAMAANKA IRAN LAGU QAADAY
OLOLKA MID KA MID AH WEERARRADA BAARLAMAANKA IRAN LAGU QAADAY

Qof is qarxiyay ayaa la sheegay inuu ku dhintay weerarka ka dhacay dhismaha uuku yaalla qabriga. Kooxda la magac baxday dowladda Islaamka ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo haddii la xaqiijiyo noqon doono weerarkii ugu horreeyay oo kooxdu ay ku qaaddo Iiraan.

Kooxda, ayaa baraha bulshada soo dhigtay muuqaal ay ku sheegtay inay soo duubeen dagaalamayaasheeda oo ku jiray gudaha baarlamaanka.

MEESHA LOO CAABUDAAD TAGO EE IRAN EE WEERARKA LAGU QAADAY
MEESHA LOO CAABUDAAD TAGO EE IRAN EE WEERARKA LAGU QAADAY

Wakaaladda wararka ee Iiraan ayaa sheegtay in mid ka mid ah dadkii weerarka soo qaaday uu is qarxiyay mid kalana ay xoogagga ammaanka dileen. Dhawr Qof oo booqnayay Qubuuraha oo ah goobo Macbad ah, ayaa ku dhaawacmay weerarkaas.

Xigasho BBCSomali.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.