Maxaa Sababay in Dalka Soomaaliya Diyaaraddii Labaad 4 Maalmood Gudohood Ku Dhacdo Soomaaliya?

MUUQAALKA DIYAARAD KU DHACDAY MADAARKA MAGAALADA GARBAHAARRAY EE SOOMAALIYA 03 JUNE 2017

Garbahaarray(Aftahannews):- Diyaarad Xamuul ah oo u rarnayd Hey’adda Cuntada u qaabbilsan Qaramada Midoobay ee WFP, ayaa ku dhacday Sabtidii Maanta Garoonka Diyaaradaha magaalada Garbahaareey Xarunta gobolka Gedo ee Koonfurta Dalka Soomaaliya, taasoo noqonaysa Diyaaraddii labaad ee muddo afar cisho gudohood ah Soomaaliya ku dhacda.

MUUQAALKA DIYAARAD KU DHACDAY MADAARKA MAGAALADA GARBAHAARRAY EE SOOMAALIYA 03 JUNE 2017
MUUQAALKA DIYAARAD KU DHACDAY MADAARKA MAGAALADA GARBAHAARRAY EE SOOMAALIYA 03 JUNE 2017

Diyaaraddan oo sidday Raashin Gargaar ah, ayaanay Cidi waxba ku noqon ee ay dhammaantood ka badbaadeen Afar Qof oo saarnaa oo Duuliyihii Diyaaraddaasi ku jiro. Waxaanay noqonaysaa Diyaaraddii labaad ee 4 maalmood gudohood ah ku dhacda Garoommada Diyaaradaha ee Dalka Soomaaliya, iyada oo ay ka horreysay Diyaaradaas 30-kii May 2017 ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Caasimadda Muqdisho.

DIYAARAD MARKAYN LAGA LEEYAHAY OO KU DHACDAY GAROONKA DIYAARADAHA EE MUQDISHO 30 MAY 2017
DIYAARAD MARKAYN LAGA LEEYAHAY OO KU DHACDAY GAROONKA DIYAARADAHA EE MUQDISHO 30 MAY 2017

Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee Maamul-goboleedka Jubbaland Maxamed Maxamuud Maxamed oo ku sugan Garbahaarray, ayaa Khadka Taleefanka ugu warramay Weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee VOA Maxamed Colaad oo Muqdisho ku sugan, waxaanu Sharraxaad ka siiyey sida ay Diyaaraddaas WFP lahayd ugu dhacday Garbahaarray iyo waxa sababay inay Diyaaraddaasi dhacdo, waxaanu sheegay inaanay wax dhibaato ahi gaadhin Dadkii saarnaa, balse ay Hal Guri oo Garbahaarray ku yaalla ay Saqafka sare ee Jiingadda ka qaadday, markii Cillad farsamo soo food-saartay iyada oo magaalada Dusheeda maraysay.

Waxa uu Guddoomiyaha gobolka Gedo VOA u sheegay inaanay jirin wax dhibaato dhinaca nabadgelyada ah ama wax lagu dhuftay Diyaaraddaas oo keenay shilkeeda, balse ay ahayd cillad farsamo oo caadi ah, ka dibna markuu arkay in cilladi ku timi Diyaaradda uu Duuliyuhu Gegeda Diyaaradaha ee Garoonka Garbahaarray si qasab ah ugu dejiyey oo uu Dhulka ku dhuftay. Waxa uu intaas ku daray in Dab ka kacay Diyaaradda markii uu Duuliyuhu qasabka ku fadhiisiyey in la demiyey oo ay Ciidammada AMISOM ee magaaladaas joogaa gurmad u fidiyeen.

Diyaaradda 30-kii Bishan Garoonka Muqdisho ku dhacday, ayaanay jirin cid wax ku noqotay, isla markaana Shaqaalihii saarnaa ay ka badbaadeen, wax dhibaato ahna may geysan, waxaana lahayd Shirkadda Bancroft oo ah Shirkad qaabbilsan La-talinta hawlaha Ammaanka iyo Tabobbarrada Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM ee dalka Soomaaliya ku sugan, taas oo ka soo duushay Garoonka Diyaaradaha Entebi ee duleedka magaalada Kampala ee Caasimadda waddanka Uganda. Waxaanay Masuuliyiinta Duulista Hawada ee Soomaaliya markaas sheegeen in cillad farsamo ku timi oo ay Taayirradu u bixi waayeen, ka dibna Duuliyuhu Gegada Diyaaraduhu ku ordaan ee Garoonka Aadan-Cadde uu si qasab Shafka dhulka ugu dhuftay, dab yar oo ka kacayna la demiyey.

Sababaha labadan Diyaaradood ee midina 30-ka bishii tegtay ee May ku dhacday Madaarka Muqdisho iyo tan labaad ee Sabtidii Maanta oo ay bishan June 3 ahayd ku dhacday Madaarka Garbahaarray, ayaa sida ay Masuuliyiintu sheegeen ah sababo ama cillado isku mid ah oo keenay inay suuragal u noqon wayday Diyaaradahaasi inay si caadi ah u fadhiistaan, kuwaas oo la odhan karo qaddar ahaan Allaah ayaa isku soo beegay, marka dhinaca kale laga eegana u baahan baadhis iyo xog-rasmi ah oo lagu ogaan karo waxa keenay cilladahaas isku calaamadaha ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.