Saylici oo Warbixin siiyey Wefti Maraykan ah oo Xaqiiqo-raadin u socda & Adna oo Sharraxaad ka bixisay

WEFTI XAQIIQO-RAADIN AH OO MARAYKANKA KA SOCDA OO KULAN LA YEESHAY MADAXWEYNE KU-XIGEENKA SOMALILAND APRIL 20 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan la yeeshay, isla markaana qaabbilay oo Warbixin siiyey Wefti ka socda dalka Maraykanka oo Hargeysa u yimi qiimayn la xidhiidha xaaladda Abaarta dalka ka jirtaa heerka ay marayso wakhtigan iyo sida ay wax ugala qaban karaan Somaliland.

WEFTI XAQIIQO-RAADIN AH OO MARAYKANKA KA SOCDA OO KULAN LA YEESHAY MADAXWEYNE KU-XIGEENKA SOMALILAND APRIL 20 2017
WEFTI XAQIIQO-RAADIN AH OO MARAYKANKA KA SOCDA OO KULAN LA YEESHAY MADAXWEYNE KU-XIGEENKA SOMALILAND APRIL 20 2017

Drs Adna Aadan Ismaaciil oo Weftigan soo dhawaysay, ayaa ugu horreyn faahfaahin ka bixisay ujeeddada Weftigaasi u socdaan oo y tilmaantay inay ka mid yihiin xogta xaqiiqada Abaaraha, dib-u-dhacyada doorashooyinka Somalilnad, nabadgelyada, horumarka iyo waxyaabo la xidhiidha.

Geesta kale, War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada Somaliland oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, ayaa si kooban loogu sharraxay Warbixin Madaxweyne Ku-xigeenku Xubnaha Weftiga ka siiyey xaaladda dalka ee Abaartu ugu horreyso, waxaanu Qoraalka Warkaas Aftahannews soo gaadhay u dhignaa sidatan:-

“Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xafiiskiisa kula kulmay wefti ballaadhan oo ka socday dalka Maraykanka oo ay ujeedka safarkoodu ahayd xaqiiqo raadis dhinaca arrimaha Somaliland oo abaartu ugu horayso.

Madaxweyne ku xigeenka oo soo dhawaynta ka dib warbixin dheer ka siiyey xaalada guud ee dalka iyo ta abaaraha ayaa u sheegay weftiga inay Somaliland tahay dal nabadgelyo ah oo horumar balaadhan ka sameeyey arrimaha bulshada, waxaanu ku dheeraaday madaxweyne ku xigeenku xaalada abaareed ee wakhtigan ka taagan dalka iyo in xoolihii laga soo gudbay oo ay dadkii haraad u dhimanayaan.

Markii shirka laga soo baxay ayey Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo saxaafadda la hadashay ayaa tidhi “Sharaf wayn bay noo tahay in uu Madaxwayne ku-xigeenkeenii nasoo dhaweeyay halkana aanu ku qaabilnay wefti inooga yimi dalka maraykanka weftigani kama socdaan dawlad iyo magaalo toona balse waxa fariin soo faray aqalka odayaasha Maraykanka oo u soo diray xaqiiqo raadis abaaraha jira markaa abaartaasi ma dhabaa, Somaliland waxa la sheegayaa nabad tolow nabadaasi ma jirtaa? farriinta aynu inagu dadka u fidino waxa mar walba ka qiimo badan farriinta dadka kale inaga qaadaan waa makhraati furan waana safar saaxiibtinimo waanu soo dhawaynay wixii ALLE taa ka keenana gacanta ALLe ayay ku maqan tahay.

Abaaruhu siday yihiin ayaanu tusnay, doorashooyinka waxaanu ka qabnana waanu u sheegnay  in ay dib inooga dhaceen duruufahaa ALLe keenayna ee aanay ahayn qaar inaga dhinaceena ka yimi ayaanu u sheegnay waxaanu u sheegnay inuu wadankeenu nabad yahay dadkiisuna nabad ku degan yahay dadkiisu nool yahay, dalkiisu horumar  ballaadhan samaynaayo awoodahaas cida gacan naga siisay ee dibada ka timina ay iska yar yihiin waxaanu qabsanayna annagu aanu qabsanay awoodeena ku qabsanay, dadaalkeenana ku qabsanay, wadajirkeena iyo wada shaqaynteenana aynu ku qabsanay loona baahan yahay inaanu halkaas kasii wadno, markaa ummadeena waan u mahad naqayaa iyo xukuumadaba oo ogolaatay in waftigani dalka soo galaan oo ay wax inala arkaan”.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalkaas Madaxtooyada ka soo baxay ee Aftahannews soo gaadhay Maanta.

Geesta kale, Adna Aadan Ismaaciil oo sharraxaysa ujeeddada Weftigaas iyo waxyaabaha ay Xog iyo Warbixinba ka siiyeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Hadalkeeda Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.