Prof: Jawaari oo Iska Difaacay Eedayn loogu jeediyey Mooshinka ka dhanka ah Saldhigga Millateri ee Berbera

GUDDOOMIYE JAWAARI OO XUKUUMADDA SOOMAALIYA KU EEDEEYEY BURBURINTA BAARLAMAANKA IYO CIIDAMMADA LA GEEYEY 2018

Muqdisho(Aftahannews):- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta Fadhi uu yeeshay waxa hadheeyey muran iyo buuq badan oo ka dhashay Mooshin ka dhan ah Saldhigga Millateri ee ay Somaliland dawladda Imaaraadka Carabta ka siisay magaalada Berbera oo bishii hore heshiiskiisa Somaliland iyo Imaaraadku Dubai ku kala saxeexdeen muddo 25 sannadood ah.

Prof: Jawaari oo Iska Difaacay Eedayn loogu jeediyey inuu Xannibay Mooshinka ka dhanka ah Saldhigga Millateri ee Berbera
Prof: Jawaari oo Iska Difaacay Eedayn loogu jeediyey inuu Xannibay Mooshinka ka dhanka ah Saldhigga Millateri ee Berbera
BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO KA DOODAY MOOSHIN KA DHAN AH SALDHIGGA MILLATERI EE BERBERA 2017
BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO KA DOODAY MOOSHIN KA DHAN AH SALDHIGGA MILLATERI EE BERBERA 2017

Dood Xildhibaannadu ka yeesheen Mooshinka ku saabsan Sharcinnimada Heshiiskaas Saldhigga iyo Saamayntiisa, ka dib ayaa Xildhibaannadu waxay dawladda ku wareejiyeen Mooshin laga keenay Saldhigga si ay faahfaahin uga bixiso eedaha ku qoran.

Mooshinkan oo muddooyinkii u dambeeyey-ba hawshiisa iyo hadal-hayntiisu socotay, ayaa ku soo beegmay wakhti dhawaan Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya booqasho ku tegay Imaaraadka Carabta oo sidoo kale heshiis ku saabsan Dekedda Boosaaso oo soddon sano soconaya iyo heshiis ku saabsan Saldhig Millateri oo isla Boosaaso ah Imaaraadku la galay Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, arrimahaas oo ay Soomaaliya iyo Imaaraadku ka wadahadleen.

Xildhibaannada soo gudbiyey Mooshinkaas, ayaa qaarkood Shir-guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ku eedeeyeen inuu hor-taagan yahay Mooshinkaas oo labadii bilood ee u dambeeyey hor-yaallay Baarlamaanka. Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo maanta shir-guddoominayey, ayaa iska difaacay eedayntaas, isla markaana sheegay inaanay joojinta iyo socodsiinta Mooshinkaasi isaga u oollin, hase-yeeshee uu soo jeedinayo talo ah; in wax la iska hubsado, lana keeno faahfaahin ku saabsan heshiiska iyo waxa uu dhigayo.

Warbixin uu Weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ee Muqdisho Xasan-kaafi Qoyste ka diyaariyey Fadhigaas Maanta iyo sida ay u dhaceen eedaynta iyo difaaca Xildhibaannada iyo Shir-guddoonka iyo waxay talo noqotay, ayaannu idiinku soo gudbinaynaa qaybteenna Raadyaha ama Codadka, waxaanad ka dhegaysan kartaan ama kala degi kartaan Codkaas Liidka Madawga ah ee Qoraalkan ka hooseeya ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.