Xiisadda Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo Cirka Isku-shareertay, Dedaalka Shiinaha, Diidmada Trump & Cabsida Caalamka – Warbixin

BANDHIGGA HUBKA HALISTA AH EE KUURIYADA WAQOOYI KAGA JAWAABTAY HANJABAADDA MARAYKANKA 2017

Pyongyang(Aftahannews):- Xiisadda u dhaxaysa waddamada Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, ayaa Cirka isku shareertay toddobaadkan oo ay gaadhay halkii ugu sarraysay, iyaga oo labada dhinac hanjabaado iyo dhoolo-tusyo awood Ciidan-ba isu muujiyey, isla markaana dunida ku kordhiyey cabsi badan oo laga qabo dagaal dhaqso uga dhex-qarxa; sida ay Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi isugu hanjabeen.

BANDHIGGA HUBKA HALISTA AH EE KUURIYADA WAQOOYI KAGA JAWAABTAY HANJABAADDA MARAYKANKA 2017
BANDHIGGA HUBKA HALISTA AH EE KUURIYADA WAQOOYI KAGA JAWAABTAY HANJABAADDA MARAYKANKA 2017

Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa ka diyaarisay Warbixin wixii dhacay iyo dhacayey labadii toddobaad ee u dambeeyey, gaar ahaan toddobaadkan aan ku jirno, xaaladdu siday tahay iyo cabsida caalamku ka qabo. Warbixintaas oo aannu sixitaan iyo kaabis ku samaynay, waxay u dhignayd sidatan:- “Haddii aad eegto baraha bulshada, waxa ugu badan ee isbuucan laga hadlayay ayaa ah in lagu dhowyahay in Dagaal Seddaxaad uu dunida ka bilowdo.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un waxay waqtigooda ugu badan ku bixiyeen isu hanjabaad u muuqata in militari la isu adeegsanayo.

Xidhiidhka labada dal, ayaa aad u xumaa tan iyo markii uu dhammaday Dagaalkii Labaad ee dunidu 1945-kii. Hase-yeeshee, toddobaadkan xiisaddu weji cusub ayey yeelatay oo muujinaya ifafaalo dagaal oo labada dhinacba u muuqdaan inay diyaar u yihiin weerar iyo difaac.

Madaxweyne Donald Trump, ayaa amray in labo markab oo dagaal iyo mid diyaaradaha dagaalka qaada ay u dhaqaaqaan dhanka Kuuriyada Woqooyi, ka dib markii ay Kuuriyada Woqooyi dhawr jeer sameysay tijaabo hub Nukliyeer ah, taas oo Mareykanku ka xumaaday.

Madaxweyne Trump, ayaa sheegay in Mareykanku uu isu diyaarinayo in keligii uu dagaalka galo; si uu wax uga qabto halista Nukliyeerka ee Kuuriyada Woqooyi. Balse taa beddelkeeda, si aan la yaab lahayn Kim Jong-Un umuu naxariisan Trump, ee si kulul ayuu ugu jawaabay.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Waqooyiga Korea, ayaa sheegtay in taxadar la’aan ay tahay hanjabaadda Trump, waxaanay ballan-qaadday in ay isku difaaci doonaan hub culus. Shiinaha oo saaxiib dhaw la ah Kuuriyada Woqooyi, wuxuu sheegay in uu lug ku yeelan doono arrinta. Waxaanu dalbaday in xakameyn dhanka dhaqaalaha lagu ganaaxo Kuuriyada Woqooyi haddii markale ay tijaabiso Madaafiicda riddada dheer.

Donald Trump, ayaa dhankiisa sheegay in uu soo dhaweynayo caawinta Shiinaha. Balse wuxuu tilmaamay in aanu u baahneyn wakhtigan. Warbaahinta Shiinaha, ayaa ku warramaysa in Madaxweynahoodu uu ugu baaqay Trump in uu xaaladda dejiyo. Hase-ahaatee, Madaxweyne Trump wuxuu Twitter-kiisa ku qoray in isaga iyo Xi ay arrinta ka wadahadleen.

Madaxweyne Xi wuxuu si ku celcelis ah ugu sheegayay dhiggiisa Trump in uu doonayo nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana waxa uu taageeray in hubka Nukliyeerka laga qaado Gacanka Kuuriya.

Kuuriyada Woqooyi waxay soo bandhigtay Guryo cusub iyo hormarin Ganacsi oo ka hirgalay Pyongyang. Ujeeddadu waxay ahayd in ay muujiso fursadaha dalkeeda ka jira, awooddooda iyo adkeysiga ay leeyihiin. Suxufiyiinta Ajaaniibta ah ayaa lagu casuumay goob ay Kumannaan Askeri isugu tageen oo gaardis ku marayey jidadka Pyongyang.

Hase-yeeshee, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kuma farxin arrintasi iyo dhoolla-tuska Millateri ee Kuuriyada Woqooyi. Waxaanu mar kale bartiisa Twitter-ka ku qoray in uu diyaar u yahay in keligii wax ka qabto Kuuriyada Woqooyi. Basle, Shiinaha ayaa ka soo horjeedaa xiisadda dagaal ee gacanka inay ka bilaabanto qarka u saaran, waxaanu ka digay dagaal dhexmara Mareykanka iyo Kuuriyada Woqooyi.

Shiinaha ayaa sheegay in daqiiqad kasta ay suuragal tahay in uu dagaal ka dhex qarxo labada dhinac. Xukuumadda Beijing waxay dalbaneysaa in labada dhinac ay joojiyaan hanjabaadaha, waxaanay u sheegtay in aanay jirin cid dagaal ku guuleysaneysa ama faa’iido gaar ah ku heli kartaa.

Dhanka kale, Waqooyiga Korea waxay awooddeeda ku muujisay dhoollatus Sabtidii toddobaadkan ay ku qabatay Caasimaddeeda Pyongyang. Kuuriyada Woqooyi waxay Sabtidii u dabbaal-degeysay dhalashada 105-naad ee laga joogo maalintii uu dhashay Aabbihii aasaasay dalkaas Kim Il-sung oo Hoggaamiyaha hadda ee dalkaas Awoowgiis ahaa.

Taangiyada waxay ku wareegeen jidadka Pyongyang, waxayna u muuqatay in hub cusub la tusay caalamka. Hubkaasi cusub waxaa ka mid ahaa Madaafiicda Badda hoosteeda lagu rido iyo kuwa qaaradaha isaga gudba. Saraakiisha dowladda Kuuriyada Woqooyi waxay uga digeen Mareykanka in uu tallaabo qaado.

Waxay Saraakiisha Ciidammada Kuuriyada Waqooyi sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay ridaan Nukliyeer haddii lagu duulo dalkooda, waxaanay qireen in maalinta ugu horreysaba lagu kala baxayo dagaalka haddii uu dhaco, taasoo ay ku muujinayaan in Maraykanku hadduu dagaalka bilaabo bilawgaba guul-darraysan doono.”

Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence wuxuu u safray Kuuriyada Koonfureed, si uu ugala xaajoodo sida loola dhaqmayo dalka ay deriska yihiin. Mareykanka wuxuu sheegay in Kuuriyada Woqooyi ay tijaabisay gantaal kale, uuna qarxay dhowr ilbiriqsi ka dib markii la riday.

Waxaa loo maleynayaa in uu caag ka sameysnaa kaas oo ku duulayay xawaare aad u sarreeya, lana hagayay. Tijaabadaasi waxay xad-gudub ku tahay Qaraarkii Qaramada Midoobey ee cunna-qabateynta lagu saaray Kuuriyada Woqooyi.

Haddaba, tallaabo noocee ah buu Madaxweyne Trump qaadi karaa? Asaga oo keli ah un baa garanaya jawaabta  ama waxaaba suuragal ah in aanu isagu xataa garaneyn.!”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.