Beesha Caalamku Maxay Ka Tidhi Golaha Ammaanka Qaranka Soomaaliya & Natiijada Shirkii Muqdisho?

MADAXDA DAWLADDA FEDERAALKA IYO MAAMUL-GOBOLEEDYADA SOOMAALIYA OO MUQDISHO SHIR UGU SOO XIDHMAY APRIL 17 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Beesha Caalamka ee Taageerta Soomaaliya, ayaa bogaadisay, isla markaana soo dhawaysay Samaynta Golaha Ammaanka Qaranka Soomaaliya oo lagu abuuray Shir Wada-tashi oo shalay lagu soo gebo-gabeeyey Muqdisho, ka dib markii uu laba cisho u socday Madaxda Federaalka iyo Madaxda Maamul-goboleedyada Soomaaliya, kaas oo go’aammo dhawr ah oo kalena laga soo saaray.

MADAXDA DAWLADDA FEDERAALKA IYO MAAMUL-GOBOLEEDYADA SOOMAALIYA OO MUQDISHO SHIR UGU SOO XIDHMAY APRIL 17 2017
MADAXDA DAWLADDA FEDERAALKA IYO MAAMUL-GOBOLEEDYADA SOOMAALIYA OO MUQDISHO SHIR UGU SOO XIDHMAY APRIL 2017

Qaramada Midoobay, Ururrada Midawga Afrika, IGAD, Midawga Yurub, Dawladaha Maraykanka, Ingiriiska iyo kuwo kale, ayaa soo dhaweeyey natiijada ama go’aammadii Shirkaas oo ah kii ugu horreeyey ee ay wada-yeeshaan Madaxweyne Farmaajo, Raysal-wasaare Khayre iyo Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada Soomaaliya ka dhisan tan iyo intii la doortay Madaxweyne Farmaajo oo isna magacaabay Raysal-wasaare Khayre.

Haddaba, Warbixinta Warkaas, Dawladaha iyo Ururrada Caalamku waxay ka yidhaahdeen Shirkaas iyo Golaha Ammaanka Qaranka Soomaaliya ee lagu abuuray oo uu markii uu horreysay guddoomiyey Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Warkaas Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.