Rabshado Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka dhacay Burco iyo Taliyaha Qaybta Booliska Togdheer oo ka hadlay

TALIYAHA QAYBTA BOOLISKA GOBOLKA TOGDHEER OO KA WARRAMAY RABSHAD DHIMASHO IYO DHAAWAC SABABTAY OO BURCO KA DHACDAY APRIL 17 2017

Burco(Aftahannews):- Hal Qof ayaa dhintay, mid kalena wuu dhaawacmay, ka dib markii Dhalinyaro ku dhaqan magaalada Burco isku dhaceen, isla markaana isu adeegsadeen Budhadh iyo Baangayaal ama Faashash habeenkii Isniinta; sida uu xaqiijiyey Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Togdheer.

TALIYAHA QAYBTA BOOLISKA GOBOLKA TOGDHEER OO KA WARRAMAY RABSHAD DHIMASHO IYO DHAAWAC SABABTAY OO BURCO KA DHACDAY APRIL 17 2017
TALIYAHA QAYBTA BOOLISKA GOBOLKA TOGDHEER OO KA WARRAMAY RABSHAD DHIMASHO IYO DHAAWAC SABABTAY OO BURCO KA DHACDAY APRIL 17 2017

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Togdheer oo magaalada Burco ee xarunta gobolkaas Maanta ugu warramay Star TV, ayaa sheegay in laba Kooxood oo dhalinyaro ah oo iska hor-yimi habeen-hore isku dhacoodu sababay dhimashada Hal Wiil iyo dhaawaca mid kale, isla markaana ay dhammaan Kooxahaas dhalinyarada ah gacanta ku soo wada dhigeen Ciidanka Ammaanku oo ay soo xidh-xidheen.

Waxaannu Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Togdheer Cabdi Muuse Cabdillaahi, oo ka warbixinaya sida wax u dhaceen, tallaabada ay qaadeen, sida ay Boolisku Dhalinyartaa gacanta ugu soo dhigeen, Digniin iyo Baaq uu u diray Waalidiinta iyo Dhalinyarta-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.