Arday Tartan-aqooneed lagu qabtay Dalka Kazikhistan Kaalmaha 1-aad & 3-aad ka galay oo Hargeysa lagu soo dhaweeyey

ARDAY TARTAN-AQOONEED LAGU QABTAY KAZIKHISTAN KAALMAHA KOOWAAD IYO LABAAD KA GALAY CALANKA SOMALILAND-NA SITA OO HARGEYSA LAGU SOO DHAWEEYEY APRIL 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Laba Arday oo Reer Somaliland ah oo Tartan Aqooneed dalal kala duwani ka qayb-galeen oo lagu qabtay waddanka Kazikhistan ka galay Kaalmaha koowaad iyo saddexaad, ayaa maanta iyaga iyo Macallimiintii sii raacay lagu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

ARDAY TARTAN-AQOONEED LAGU QABTAY KAZIKHISTAN KAALMAHA KOOWAAD IYO LABAAD KA GALAY CALANKA SOMALILAND-NA SITA OO HARGEYSA LAGU SOO DHAWEEYEY APRIL 2017
ARDAY TARTAN-AQOONEED LAGU QABTAY KAZIKHISTAN KAALMAHA KOOWAAD IYO LABAAD KA GALAY CALANKA SOMALILAND-NA SITA OO HARGEYSA LAGU SOO DHAWEEYEY APRIL 2017

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Agaasimaha Waxbarashada gaarka ah ee Wasaaradda, Guddoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka Somaliland, Masuuliyiin kale oo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ka tirsan, Maamulka iyo Maccallimiinta Dugsiga sare ee VIFAK Academy oo ah Dugsi gaar ah oo hore loo odhan jiray Turkish Neal Academy oo dhawaan magaca laga beddelay oo ah Dugsiga ay Ardaydani wax ka bartaan, ayaa garoonka Diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa ku qaabbilay oo ku soo dhaweeyey Ardaydaas.

Labadan Arday ayaa kala ah Ibraahin Cabdiraxmaan Maxamed oo isagu kaalinta koowaad ka galay Tartankaas, isla markaana ku guulaystay Billadda Dahabka ah ee tartankaas iyo Cabdikhaaliq Cabdillaahi oo isaguna kaalinta 3-aad ku guulaystay oo Billad Maar ah qaatay; sida ay sheegeen Masuuliyiinta Dugsiga VIFAK.

Haddaba, Ardaydaas sidii loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa oo ay markii hore ka tageen oo Dugsiga ay dhigtaan ku yaallo, Hadallada ay Masuuliyiinta kala duwani ka yidhaahdeen iyo Habkii loogu dhawaaqay Guulaystayaasha Tartan-aqooneedkaas ka dhacay dhawaan dalka Kazikhistan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.