Go’aammada lagu Gaadhay Shir Madaxda Federaalka & Maamul-goboleedyada Soomaaliya uga socday Muqdisho

MADAXDA DAWLADDA FEDERAALKA IYO MAAMUL-GOBOLEEDYADA SOOMAALIYA OO MUQDISHO SHIR UGU SOO XIDHMAY APRIL 17 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Shir Madaxda Dawladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada Soomaaliya uga socday laba maalmood magaalada Muqdisho oo wada-tashi, ayaa la soo gebo-gabeeyey Salaasadii Maanta, ka dib markii qodobbo dhawr ah lagu heshiiyey sida ay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda kale faahfaahiyeen.

MADAXDA DAWLADDA FEDERAALKA IYO MAAMUL-GOBOLEEDYADA SOOMAALIYA OO MUQDISHO SHIR UGU SOO XIDHMAY APRIL 17 2017
MADAXDA DAWLADDA FEDERAALKA IYO MAAMUL-GOBOLEEDYADA SOOMAALIYA OO MUQDISHO SHIR UGU SOO XIDHMAY APRIL 17 2017

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa geba-gabada Shir labada cisho Madaxdan Muqdisho uga socday ka sheegay inay ku heshiyeen inay Al-Shabaab ka saaraan meelaha ay haystaan ee ay Abaaruhu ka jiraan si ay gargaar u gaadhsiiyaan Dadka halkaas ku nool.

Waxaannu Afhayeenka Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Federaalka, ayaa faahfaahiyey natiijada Shirkaas. Waxaanan halkan hoose idiinku soo gudbinaynaa qodobbada War-murtiyeedka Shirkaas ka soo baxay oo uu Warbaahinta u akhriyey Afhayeenka Raysal-wasaaraha iyo Madaxweyne Farmaajo oo isuguna halkaas ka hadlay, Muuqaalladan Hoose kaga bogo ama ka daawo War-murtiyeedkaas iyo Hadalka Madaxweynahaba:-

War-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wada-tashiga ee Muqdisho ka socday

Hadalka Madaxweyne Farmaajo

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.