Ujeeddada Madaxweynaha Kubbadda Cagta Qaramada Afrika oo si diirran loogu soo dhaweeyey Muqdisho

BOOQASHADA GUDDOOMIYAHA KUBBADDA CAGTA QAARADDA AFRIKA OO MUQDISHO BOOQASHO KU JOOGA APRIL 17 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Xidhiidhka Kubbadda Cagta ee Afrika Ahmad Ahmad, ayaa Maanta Booqashadiisii ugu horreysay ku tegay magaalada Muqdisho ee Caasimadda waddanka Soomaaliya.

BOOQASHADA GUDDOOMIYAHA KUBBADDA CAGTA QAARADDA AFRIKA OO MUQDISHO BOOQASHO KU JOOGA APRIL 17 2017
BOOQASHADA GUDDOOMIYAHA KUBBADDA CAGTA QAARADDA AFRIKA OO MUQDISHO BOOQASHO KU JOOGA APRIL 17 2017

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya iyo Madaxda Xidhiidhka Kubbadda Cagta iyo Ciyaartooy Soomaali ah oo ku qaabbilay Muqdisho. Waxaa sidoo kale soo dhaweeyay Dhallinyaro sidatay Boodhadh lagu dhejiyay Sawirradiisa iyo Carruur Xidhan Funaanado lagu xardhay Sawirka iyo Magaca Madaxweynaha Ciyaaraha Kubbadda Cagta ee Qaaradda Afrika oo ay booqashadiisani noqonayso tii ugu horreysay ee uu ku yimaaddo Soomaaliya.

Ahmed Ahmed wuxuu booqday qaar ka mid ah Garoomada Kubbadda Cagta ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Waxaanu kulammo lagaga wadahadlay tayeynta Ciyaaraha iyo Ciyaaryahannada Soomaaliya la yeeshay Masuuliyiinta Xidhiidhka Kubbadda dalka u qaabbilsan iyo Madaxda Wasaaradda Ciyaaraha Federaalka Soomaaliya, isaga oo la filayo inuu Berrina kulammo kale la yeesho Masuuliyiinta sare ee Soomaaliya inta uu ku sugan yahay Muqdisho.

Hoggaanka Xidhiidhka Kubbadda Cagta ee Qaramada Afrika Ahmed Ahmed, ayaa noqonaya Masuulkii ugu horreeyey ee Ciyaaraha Kubbadda Cagta Hoggaamiya ee isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa Booqasho ku tegaan Caasimadda dalka Soomaaliya Burburkii dawladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya ka dib.

Guddoomiyaha Xidhihidhka Kubbadda Cagta ee Afrika Ahmed Ahmed, ayaa u dhashay Jasiiradda Madagscar, isla markaana lagu doortay Shirweynihii Midawga Afrika ee dhammaadka bishii Maarso ee sannadkan 2017-ka ka qabsoomay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, halkaas oo uu kaga guulaystay Guddoomihii xilkaas soo hayey 29-kii sano ee ugu dambeeyey Ciisa Xayaatu oo u dhashay waddanka Cameroun.

Soomaaliya waxaa dhawaanahan ka socday tartammo kala duwan oo Kubbadda Cagta ah, balse weli waxa jiro caqabado ay ka mid yihiin amni-xumo iyo Garoomada qaar oo iyaguna weli burbursan. Waxay Soomaaliya ka mid tahay Dalalka Afrika ee aadka ugu liita Ciyaaraha kala duwan, iyaga oo aan Is-reeb-reebka loogu soo baxayo Tartanka Ciyaaraha Afrika bilawgaba ku hadha ama lagu reebo.

Waxaannu qaybteennan hoose ee Codadka ama Raadyaha idiinku soo gudbinaynaa Waraysi uu Weriyaha VOA Cabdixakiin Shirwac la yeeshay Xoghayaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab oo ka warramay kulammo ay la yeesheen Ahmed Ahmed, waxay ka wadahadleen iyo ballan-qaadyo uu u sameeyey-ba, waxaad ka dhegaysan kartaan ama kala degi kartaan waraysigaa Liidkan madoowga ah ee Hoose.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.