War Murtiyeed ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha cusub ee Xisbiga Kulmiye ee Qaarada Australiya

Australiya(Aftahannews)-War Murtiyeed ka soo baxay Xafiiska  Gudoomiyaha  cusub ee Xisbiga Kulmiye ee Qaarada Australiya oo uu ku saxiixan yahay Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Australiyaa ayaa lagu shaaciyey mahadnaq iyo dardar gelin, war murtiyeedkaas oo dhamina  wuxuu u qornaa sidan.

17974198_709616005884723_2102837440_n

 

Afhayeenka  Xisbiga Kulmiye Australiya wuxuu uga mahad celinayaa dhamaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Qaarada Australiya iyo Wadamada dunida  ee Xisbigu ka dhisan  yahay, Sidii fiicnayd ee ay u  taageereen uguna soo hambalyeeyeen xilka loo doortay Gudoomiyaha cusub ee Australiya Mr Ahmed Mohamud mohamed (Ahmed Weyne).

 

Waxaan kale oo hambalyo iyo mahad celin aad u balaadhan u dirayaa dhamaan Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo aan ku hanbalyeeynayo dhamaan guulaha iyo taageerada ay Ka soo hooyeen Gobolada somaliland Oo dhan,taasoo ka markhaanti  kacaysa sida Shacbiweynaha Somaliland ugu heelan yihiin inay mar labaad codkooda siiyaan Xisbul  Xakimka Kulmiye.

 

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Australiya wuxuu isla war murtiyeedkaas ku cadeeyey inay shaqo badan ay sanadkan u taalo, sida ugu dhaqso badana ay wefti balaadhan oo madaxda Xisbiga Kulmiye  Australiya ah u diri  doonaan dhamaan Gobolada Australiya, socdaalkaas oo ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa loogana qayb qaadan  lahaa doorashada kaabiga inagu soo haysa ee sanadkan dabayaaqadiisa dhacaysa.

 

Wada Shaqayn Wacan

Allaa Mahad Leh

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Australiya

Eng. Warsame Cabdi Aadan.