Gogol-wanaag(Aftahannews):- Ismaaciil Cabdi Aadan oo ah 19 sano jir, hal mar laba Gabdhood ku wada aroosay degaanka Gogol-wanaag oo ka tirsan degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley, ayaa isaga iyo labadiisa Xaas ka warrameen dareenkooda iyo jewiga nolosha cusub ee ay hadda galeen.
Weriye Sagal Mustafe oo ka tirsan Telefeshinka RTN, ayaa ka qaybgashay Arooskaas oo ka dhacay deegaanka Gogol-wanaag habeenkii labaad ee Gaafka, waxaanay waraysi la yeelatay Ismaaciil iyo labadiisa Xaas oo dhinacyada Midigta iyo Bidixda ka kala fadhiyey Saygooda, waxaanay sheegeen inay dhammaantoon ku faraxsan yihiin noloshan cusub ee ay galeen, isla markaana heshiis iyo go’aan midaysan iyagu wada qaateen.
Haddaba, Waraysigaas, iyo Xafladda ama Gaafka Arooskaasi sidii ay u dhaceen, su’aalaha la weydiiyey iyo jawaabaha ay saddexdan lammaane ka bixiyeen-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.