Madaxweyne Siilaanyo oo u kala Lugeeyey Qasriga & Cusbitaalka Guud, Furayna Qaybo Cusub

MADAXWEYNE SIILAANYO OO U KALA LUGEEYEY QASRIGA IYO CUSBITAALKA GUUD EE HARGEYSA 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa u kala lugeeyey Madaxtooyada iyo Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo uu Maanta xadhigga ka jaray dhismayaal cusub oo lagu kordhiyey, lana qalabeeyey qaarkood, sidoo kalena kormeeray qaybaha Cusbitaalka, goobo kalena dhagax-dhigay.

MADAXWEYNE SIILAANYO OO U KALA LUGEEYEY QASRIGA IYO CUSBITAALKA GUUD EE HARGEYSA 2017
MADAXWEYNE SIILAANYO OO U KALA LUGEEYEY QASRIGA IYO CUSBITAALKA GUUD EE HARGEYSA 2017

War-Saxaafadeed Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada, isla markaana uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen-Dayr, oo Nuqul ka mid ahi galabta soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews, ayaa lagu faahfaahiyey goobaha uu Madaxweynuhu furay, kuwa uu dhagax-dhigay iyo kuwa uu kormeeray ee Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu hadal kooban ka jeediyey, sidoo kalena ay ka hadleen Masuuliyiinta Caafimaadka, Cusbitaalka, Maaliyadda iyo Xubno kale. Waxaanu Qoraalkaas Madaxtooyada ka soo baxay u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta Kormeer, dhagax dhig iyo Furitaan ka fuliyey Cusbitaalka guud ee Caasimada Hargeysa

Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu socod lug ah ku tegay cusbitaalka guud ee hargeysa isagoo kormeeray xaruntii hore ee gurmadka degdega ah lagu dawayn jiray, waxaana halkaasi warbixin ka siiyey agaasimaha cusbitalka Dr Askar oo sheegay in xaruntan la dhisay 1953kii, tahayna meel qadiimi ah balse ay uga wareegeen xaruntan cusub ee uu maanta madaxweynuhu furay.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu dhagax dhigay xarun cusub oo loo dhisi doono hooyada iyo dhalaanka, waxaana maalgelinteeda qayb libaax ka qaadatay Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyagu amaan aan la qiyaasi Karin ku mutaysatay dhiirigelinta iyo taakulaynta cusbitaalka guud ee hargeysa, waxaana sidaasi sheegay wasiirka Caafimaadka Dr Xaglatoosiye oo wasiirada madaxweynaha hortiisa aad uga amaanay tiriyeyna talaabooyinka waxtarka ah ee ay ka fulisay gargaarka iyo dayactirka loogu jiro balaadhinta cusbitaalka guud.

Madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray xarun cusub oo loogu talogalay inay noqoto qaybta gurmadka degdega ah ee cusbitaalka guud yeelan doono taasi oo qaadi doonta 50 qof markiiba una qaybsan laba qaybood oo kala ah haweenka iyo raga, madaxweynaha oo xadhig ka jarista ka dib kormeeray ayaa u mahadnaqay cid kasta oo qayb ka qaadatay dhismahan balaadhan ee aadka loo qurxiyey.

Waxaana xaflada furitaanka ka hadlay Agaasimaha guud ee Cusbitaalka, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Caafimaadka, Maayarka Caasimada Hargeysa iyo masuuliyiin kala duwan oo dhamaantood iska daba maray faa’iidada uu yeelan doonto xaruntani cusubi. Waxaana xusid mudan in maayarka caasimada Hargeysa oo  hore 50,000 oo doolar ugu deeqay qaybtaasi dhamaatay uu maanta qaybta labaad ee madaxweynuhu u dhagax dhigay hooyada iyo dhalaanka uu ugu deeqay lacag dhan 20,000 oo Doolarka maraykanka ah.

Ugu danbayn Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa laba gaadhi oo nooca Ambulance -ka loo yaqaano ku wareejisay xaruntaasi cusub iyadoo xustay in aan meel kale loo isticmaalin balse ay ka hawlgalaan looguna gurmado xaaladaha degdega ah ee caasimada iyo nawaaxigeeda ka soo kordha, iyadoo furayaasha labadaasi gaadhi gacanta ka gelisay Madaxweynaha qaranka isna uu ku wareejiyey Wasiirka Caafimaadka, Wasiirkuna uu ku sii wareejiyey Agaasimaha Cusbitalka, Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale shahaado sharafyo gudoonsiiyey masuuliyiin ay maamulka cusbitaalku ku sharfeen sidii ay ula shaqeeyeen intii ay ku guda jireen dhismayaashaasi, isagoo madaxweynuhu halkaasi ka jeediyey khudbad uu ugu mahadnaqay maamulka cusbitalka iyo cid kasta oo gacan ka geysatay, waaanu madaxweynuhu xusay ahmiyada ay qaran u leedahay labaadhinta iyo dayactirka cusbitaalka guud ee dalku, isagoo madaxweynuhu gacan muuqata ku leh guud ahaan tayeynta iyo dhismayaasha cusbitaalada dalka ayuu hadana awooda saaray in cusbitaalka guud ee caasimadu noqdo mid ka kora halkii uu kaga tegay Ingiriisku wakhtigii uu xukumi jiray Somaliland. ka dibna madaxweynuhu waxa uu ku soo laabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkaas Qoraalka ah ee ka soo baxay Madaxtooyada ee Aftahannews Nuqulka ka midka ahi soo gaadhay.

Halkan Hoose waxaan idiinku soo gudbinaynaa oo aad kaga bogan kartaan Kormeerka Madaxweynaha, furitaanka goobaha cusub iyo Warbixinaha ay Maamulka Cusbitaalka guud iyo Wasaaradda Caafimaadku siiyeen Madaxweyne Siilaanyo, ee daawasho wacan oo wanaagsan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.