Buuq Hadheeyey Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland, Xeerka Ribada oo Ajandaha 33-aad ku jira & Culimo ka qaybgashay

BUUQ HADHEEYEY FADHIGII MAANTA EE GOLAHA WAKIILLADA SOMALILAND OO XEERKA BAANANKA RIBADU HOR YAALLO 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Buuq iyo Sawaxan ku bilaabmay, ka dib markii Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golahaas Baashe Maxamed Faarax oo guddoominayey Fadhiga furay, isla markaana sheegay in qodobbada Ajandaha Kalfadhiga 33-aad ee Wakiillada uu ku jiro Xeerka Baananka Ganacsiga oo jidaynaya 13%-kiiba Ribo ah ama dul-saar ah.

BUUQ HADHEEYEY FADHIGII MAANTA EE GOLAHA WAKIILLADA SOMALILAND OO XEERKA BAANANKA RIBADU HOR YAALLO 2017
BUUQ HADHEEYEY FADHIGII MAANTA EE GOLAHA WAKIILLADA SOMALILAND OO XEERKA BAANANKA RIBADU HOR YAALLO 2017

Xildhibaannada oo kuwa Xukuumadda talada haysa iyo Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye taageera qaarkood dabada ka riixayaan, ayey Xubno kale oo Xildhibaannada Wakiillada ka tirsanina ka soo horjeesteen, iyaga oo ku dooday inuu Xaaraan yahay, Diinta Islaamka iyo Dastuurka Somaliland-na aanay oggolayn. Ka sokow Xildhibaannada, waxaa iyaguna Fadhigaa Maanta goob-joog ka ahaa Qaar ka tirsan Culimada Somaliland.

Hase-yeeshee, waxa uu Buuqu Cirka isku shareeray markii uu Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golahaas Mudane Baashe oo fadhiga furay sheegay in qodobbada Ajandaha Kalfadhiga 33-aad ee Golaha Wakiillada oo aan weli la ansixin uu ku jiro Qodobka Baananka Ganacsiga ee oggolaanaya Ribada ama Dulsaarka lacagaha ay Bixiyaan Baanankaasi, kaasoo uu sheegay inay Culimadu Masaajiddada Hargeysa kaga hadleen Khudbadihii ay ka jeediyeen Salaaddii Jimce ee shalay, sidaas awgeedna aan la ansixinaynin illaa Goluhu Culimada kala tashado qodobkaas. Inkasta oo ay markii dambe Aqlabiyadda Mudanayaasha Golahaasi u codeeyeen in Qodobbada Ajandaha oo Xeerkaasi ku jiro la ansixiyo, sidaasna lagu ansixiyey isla fadhigaas maanta.

Waxaannu Fadhigaas maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland ku bilaabmay, Doodaha ay Xildhibaannada diiddan iyo kuwa taageersani jeediyeen, hadalka Guddoomiyaha iyo Hadallada Culimo ka qaybgalay kulankaas oo ka hadlay Diinta Islaamka iyo waxay ka qabto, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.