Bannaan-bax ka Dhacay Berbera oo lagaga soo horjeedo Xadhigga Weriyeyaal Aamina-Waris Xabsiga dhigtay – Daawo

Berbera(Aftahannews):- Shacabka ku dhaqan magaalada Berbera, ayaa maanta isugu soo baxay bannaan-bax ay kaga soo horjeedaan Xadhigga Weriye Axmed Siciid Maxamed iyo Weriye Mubaarik Nirig, kuwaas oo Habeenkii Afraad caawa ku xidhan Xabsiga dhexe ee magaalada Berbera, ka dib markii maalin afraaddii lagu xidhay Amar uu bixiyey Madaxa Gaadiidka Madaxtooyada Somaliland ahna Fuliyaha Dhismayaasha u gaarka ah Qoyska Siilaanyo Abashir Xasan Xaashi.

BANNAANBAX LAGAGA SOO HORJEEDO WERIYEYAAL AAMINA-WARIS UGU XIDHAN BERBERA 2017

BANNAAN-BAX LAGAGA SOO HORJEEDO XADHIGGA LABA WERIYE OO AAMINA-WARIS BERBERA KU XIDHAY 2017
BANNAAN-BAX LAGAGA SOO HORJEEDO XADHIGGA LABA WERIYE OO AAMINA-WARIS BERBERA KU XIDHAY 2017

Labadan Weriye oo kala ah Axmed Siciid Maxamed oo ka hawlgala Kalsan TV iyo Mubaarik Nirig oo ka hawlgal Start TV, ayaa wax ka duubay Dhul ay Berbera ka dhisanayso Marwada Madaxweyne Siilaanyo Aamin-waris oo uu Abshir oo ah Madaxa Gaadiidka, isla markaana Marwada u qaabbilsan fulinta Mashaariicda dhismayaasha u gaarka ah iyo iibinta Beeraha Hantida Qaranka laga iibsanayo oo Berbera u joogay fulinta Dhismahaas, ayaa Amar ku bixiyey in la xidho labadaas Weriye oo uu Kamaradohoodiina gacantiisa ku jejabiyey.

Weriyeyaashaas, ayaa loo diiday in la booqan karo iyo Cunto loogu geeyo Saldhigga Booliska Berbera oo markii dambe laga beddelay, loona wareejiyey Jeelka Berbera oo ay saddexdii Maalmood iyo saddexii habeen ee ugu dambeeyey ku xidhan yihiin, sidoo kalena aan loo oggolayn booqasho iyo in Qoysaskoodu wax cunto ah u geeyaan toona.

Haddaba, qaar ka tirsan Shacabka ku dhaqan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa maanta sameeyey Bannaan-bax ay kaga soo horjeedaan xadhigga Weriyeyaashaas oo aan wax Waaran Maxkamadeed ah loo soo goosan amma sifo sharci ah lagu qaban ee Amarka Abshir lagu xidhay, waxaanannu Bannaan-baxaas iyo baaqyada ay Dadka reer Berbera jeediyeen, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.