“Wasiir Caddaani Habeenkii waa Xisbiga Waddani oo wuu noo yimaaddaa, Maalintiina waa Kulmiye..” Faadumo Aadan – Daawo

FAADUMO AADAN CAWAD OO SHEEGTAY IN WASIIR CADDAANI HABEENKII WADDANI KA TIRSAN YAHAY MAALINTIINA KULMIYE 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Faadumo Aadan Cawad oo ka mid ah Saraakiisha Garabka Haweenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa weerartay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), oo ay ku sheegtay inaanu waxba u taraynin Musharrax Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilaanyo toona, waxaanay sheegtay inuu Habeenkii ka tirsan yahay Xisbiga Waddani oo uu qaadhaankiisa bixiyo, Maalintiina Kulmiye ka tirsan yahay.

FAADUMO AADAN CAWAD OO SHEEGTAY IN WASIIR CADDAANI HABEENKII WADDANI KA TIRSAN YAHAY MAALINTIINA KULMIYE 2017
FAADUMO AADAN CAWAD OO SHEEGTAY IN WASIIR CADDAANI HABEENKII WADDANI KA TIRSAN YAHAY MAALINTIINA KULMIYE 2017

Faadumo Aadan oo Maanta qaar ka tirsan Saxaafadda Hargeysa kula hadashay, ayaa sheegtay inuu Wasiir Caddaani habeenkii xubin buuxda ka yahay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Maalintiina Xubin ka yahay Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye.

Waxaannu Faadumo Aadan oo arrimahaas iyo kuwo kale oo badan oo kala duwan ka hadlaysa oo ay arrinta meel-marinta Saldhigga Millateri ee Imaaraadka Carabta laga siinayo magaalada Berbera iyo xaaladda Xisbiyada, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.