Daawo Xukuumadda Siilaanyo oo Bilawday Weji-ku-macaashka lagu Taageerayo Bixinta Saldhigga Millateri

WEJI-KU-MACAASHKA AY XUKUUMADDA SIILAANYO TAAGEERADA UGU RAADINAYSO SALDHIGGA MILLATERI EE BERBERA 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda talada Somaliland haysa ee Madaxweyne Axmed-Siliaanyo, ayaa bilawday Dhaqdhaqaajinta Barnaamijka loo yaqaanno Weji-ku-macaashka ee ay hadba taageero ugu raadiso Mashruuc ay tahriibinayso, Kharashna ku siiso hadba cidda ay ka filayso inay Lacag ku taageeri karaan, waxaanay bilawday hadda Weji-ku-macaashka ay taageerada Odayaasha dhaqanka iyo Beelaha Somaliland ugaga raadinayso Saldhigga Millateri ee ay rabto inay Imaaraadka Carabta ka siiso Berbera.

WEJI-KU-MACAASHKA AY XUKUUMADDA SIILAANYO TAAGEERADA UGU RAADINAYSO SALDHIGGA MILLATERI EE BERBERA 2017
WEJI-KU-MACAASHKA AY XUKUUMADDA SIILAANYO TAAGEERADA UGU RAADINAYSO SALDHIGGA MILLATERI EE BERBERA 2017

Saldhigga Millateri ee ay dawladda Imaaraadka Carabtu ka doonayso Madaarka Berbera iyo Dhul-xeebeedka illaa gudaha Badda ah ee ku beegan, ayaa Siyaasiyiinta Madaxa-bannaan, Odayaasha dhaqanka intooda badan, Xisbiyada Mucaaradka ah, Xildhibaannada Baarlamaanka qaarkood iyo Dadweynaha qaarkood-ba, si weyn uga soo horjeesteen, isla markaana khatar iyo halis badan oo Amni, Madax-bannaani iyo kuwo kale-ba ay ka muujiyeen Dadka Mucaaradadda cad kala hor-tegay hirgelinta Saldhiggaas oo ay Wadahadalkiisu socdo, toddobaadkanna lagu wado in Madaxweynuhu Baarlamaanka Wada-jir uga codsado oggolaansha higelinta Saldhiggaas Millateri.

Hase-yeeshee, Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Axmed-Dhagax ee magaalada Hargeysa, ayaa Shir Xukuumaddu soo abaabushay oo ay Maanta ku qabteen magaalada Hargeysa, waxay ku sheegeen inay taageersan yihiin hirgelinta Saldhiggaas Millateri ee ay Xukuumadda Siilaanyo doonayso inay Imaaraadka siiso, isla markaana ay soo dhawaynayaan.

Haddaba, Odayaasha lagu Daah-furay Barnaamijkan Weji-ku-macaasha ee Xukuumadda Siilaanyo taageerada ugu raadinayso Saldhigga ay Imaaraadka Carabta ka siinayso Berbera, waxa ay ku taageereen iyo sida ay u taageereen iyaga oo ka hadlaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.