“Boqolaal Dhalinyaradda reer Somaliland ah ayaa u xadhka xidhay magaalada Muqdisho.”

“Xisbiyaddii UCID, Waddani, Kulmiye Iyo Dawladdii Iyo Dhamaan Siyaasiyiintii Dalka Somaliland Wuxuu Seeskoodii Noqday Qabyaalad… Markii Madaxweyne Axmed Siilanayo Mucaaridka Ahaa ee ..”Qaar Ka Mid Ah Dhalinyaradda Ku Dhaqank Somaliland

download-2-3Hargeysa, (AFtahannews.com)-Boqolaal ka mid ah Dhalinyaradda kala duwan eek u kala nool Gobolada waa weyn ee dalka Somaliland, ayaa u xadhka xidhay dalka Somalia ee magaalada Muqdisho, isla markaana goobaha Bulshadu isugu timaado ayaa waxay iska xog waraysanayaan in dawladda cusub ee Madaxweyne Farmaajo ee loo doortay Somalia ay maanta dhaanta siyaasiyiinta maanta ka talisa Dawladdoodii Somaliland iyo waliba asxaabtii mucaaridka oo dhamaan isku mid noqoday.

“Boqolaal Dhalinyaraddii reer Somaliland ah ayaa u xadhka xidhay magaalada Muqdisho, Waxa sababay Markii dhamaan Xisbiyaddii UCID, Waddani, Kulmiye Iyo Dawladdii seeskoodii noqday qabyaalad oo Wasiir walbana ku shaqaynayo iyo dhaqamo aad u fool-xun oo maanta soo kordhiyeen qaar ka mid ah Wasiiradda. Afar isku reer yihiin iyo koox ayaa guranaysa hantidii ummadda oo maanta xitaa dadku malaha himilo ama xisbi ay u arkaan mid dhaama oo niyad-jab weyn ayaa ku dhacay umaddii reer Somaliland.” Sidaa waxa yidhi qaar ka mid ahaa dhilnyaradda ku dhaqan magaalada Hargeysa Fu’aad Jaamac iyo Xasan Cabdi Faarax.

Idiris Saleebaan Maxamuud oo isna ka hadlay waxyaabaha ku soo kordhay magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco waxa uu yidhi,“Shacabkiina wuu ku dhex baqtiyey. Markaa dawladdii dhamayd ee ummaddu doortay waxa ku shaqaysta oo kaliya Wasiir Maxamuud Xaashi cabdi iyo wiilka uu u yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo sodoga Baashe Cawil iyo afar Wasiir oo u ku shaqeeya ammaradooda.”

Farax Jamaac oo ku nool Gobolka Sanaag iyana ka hadashay waxay tidhi.“Labadii xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani-na waxay noqdeen iyaguna qaar ay ku xeeran yihiin qoyskooda, markaa maanta aad ayey u niyad-jabtay dhalinyaraddii reer Somaliland. Boqolaal ka mid ah dhalinyaradda ka soo baxday jaamacadaha kala duwan ee Somaliland ayaa qorshaynaaya inay u baxaan caasimada Somaliya ee Muqdisho.”Sidaa ayuu yidhi Axmed Cabdi oo ka mid ah dhalinyaradda ku nool Somliland ee ka fekaraysa inay u baxaan Somalia.”

Shucayb Maxamuud oo ku Nool Gobolka Saaxil oo isna ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in maanta maalin ay ka xuntahay aaney soo marin Somaliland”Maanta maalin aanu ka niyadxunahay ma jirto oo markii Madaxweyne AXMED Siilanayo mucaaridka ahaa ee xisbigii Kulmiye dadku niyad iyo himilo ayey lahaayeen, laakiin maanta xisbiyaddii mucaaridka ahaa ayaa iyagii qabiilkoodii haystaa oo qayb ayey ka yihiin muuqaalka himilo ee xumaaday oo qoladii kulmiye wax oo un bay sheegi jireen,laakiin maanta qabyaalad oo un baa taala ee maxaa kale ee jira.”

Fahiima oo ka mid ah ardayda ka soo baxday Jaamacada Cabuud oo maanta ku bilaacamal ku ah magaalada Boorama oo iyana ka hadashay nijad-jabka ku dhacay.“Maanta Gidaar kasta ama mukhaaxi kasta oo dhalinyaradu isugu timaado waxay ka wada hadlayaan madaama ay maanta noqotay Dawladdii Somaliland mid dad gaar ah ku shaqaystaan oo aanuu jirin wax mustaqbal ah marba marka ka sii dabaysana ay sii xumaanayso aaney jirin wax lagu farxo oo siyaasiyiintii dalkuna noqdeen qaar qabiilooyinkoodii oo kaliya caqliga siyaasadooda iyo tii dalkaba sidaa ka dhigeen u baxaan Muqdisho. Markaa anigu waxaan ogahay in boqolaal dhalinyaraha ah u baxayaan magaalada Muqdisho si ay uga qayb galaan dawlada cusub ee Madaxweyne Cabdillaahi Farmaajo. Xukuumaddii maanta dadkaa way kala saartay waxaana laga dhigay dhalinyaraddii oo la qaadanayaa in Wasiiradda dadka u soo basaasa ama qof oo un ka daba shaqaynaaya.” Dhalinyaradaas  oo qaar ka mid ah  u waramayey wariye ka tirsan wakaalada Warbaahineed ee Baraarugnews.com