Daawo Bannaan-bax lagu Taageeray Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Farmaajo oo Laascaanood ka dhacay

DADWEYNAHA REER LAASCAANOOD OO U DABBAALDEGAY GUUSHA MADAXWEYNE FARMAAJO 2017

Laascaanood(Aftahannews):- Boqollaal Shacab ah oo ka tirsan Dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee Somaliland, ayaa si weyn ugu dabbaal-degay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ay guushiisii ka dib isugu soo baxeen qaar ka mid ah Fagaarayaasha magaaladaas.

DADWEYNAHA REER LAASCAANOOD OO U DABBAALDEGAY GUUSHA MADAXWEYNE FARMAAJO 2017
DADWEYNAHA REER LAASCAANOOD OO U DABBAALDEGAY GUUSHA MADAXWEYNE FARMAAJO 2017

Dadweynaha Laascaanood isugu soo baxay markii lagu dhawaaqay Guusha Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya hoggaamin doona afarta sano ee soo socda, ayaa sitay Calanka Soomaaliya, Sawirka Madaxweyne Farmaajo iyo Durbaanno, waxaanay ku dhawaaqayeen Erayo ay ku taageerayaan Madaxweynaha, isla markaana qaarkood qaadayeen Heeso Waddaniyadda Soomaaliyeed ka turjumaya, waxaanay sidoo kale Farmaajo u dirayeen Farriimo.

Haddaba, sidii uu Laascaanood uga dhacay Bannaan-baxa lagu taageeray Madaxweynaha Cusub ee Federaalka Soomaaliya Mudane Farmaajo oo habeen-hore aqlabiyad ay ku doorteen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.