Daawo Madaxweyne Farmaajo oo Saqdii dhexe Shir Jaraa’id Qabtay, Baaqa Shacabka & Arrimaha uu Kaga Hadlay

Madaxweyne Farmaajo oo Saqdii dhexe Shir Jaraa’id Qabtay, Baaqa Shacabka & Arrimaha uu Kaga Hadlay

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo illaa markii la doortay xalay ee natiijada guushiisa lagu dhawaaqi doono, ka dib xalay, maanta iyo caawaba isu-soobaxyada ay Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidammada qalabka sidaa ugu dabbaal-degayeen guushiisa, ayaa saqdii dhexe ee caawa Shirkiisii Jaraa’id ee ugu horreeyey qabtay intii la doortay, isla markaana Shacabka ugu baaqay inay joojiyaan dabbaal-degyada ay illaa xalay soo wadeen.

Madaxweyne Farmaajo oo Saqdii dhexe Shir Jaraa’id Qabtay, Baaqa Shacabka & Arrimaha uu Kaga Hadlay
Madaxweyne Farmaajo oo Saqdii dhexe Shir Jaraa’id Qabtay, Baaqa Shacabka & Arrimaha uu Kaga Hadlay 2017

Madaxweyne Farmaajo, waxa uu sheegay inuu ka xun yahay dad dhibaato ka soo gaadhay dabbaal-degyada ay Shacabku guushiisa ku qaabbileen, iyada oo Hal Qof oo Shacab ahi ku dhintay Caabud-waaq markii ay ku dhacday rasaasta dabbaal-degga ee la ridayey, halka saddex ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Farmaajo Baaq u diray Beesha caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Qurbo-joogta oo uu ugu baaqay inay u soo gargaaraan Dadkooda Abaaruhu ku hayaan gobollada Soomaaliya ee ay Xoolihiina ka dhammaadeen.

Haddaba, Shirkaa Jaraa’id ee uu Madaxweyne Farmaajo Saqdii dhexe ee Caawa ku qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya oo noqonaya kii ugu horreeyey ee uu Saxaafadda kula hadlo guushiisii xalay ka dib, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

afhaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.