Bogaadinta Beesha Caalamka ee Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Farmaajo

Bogaadinta Beesha Caalamka ee Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka, Ururka Jaamacadda Carabta iyo Dawlado badan oo kale, ayaa soo dhaweeyay, isla markaana hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay inuu hoggamaiyo Soomaaliya Afarta sannadood ee soo socda Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo).

Bogaadinta Beesha Caalamka ee Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo 2017
Bogaadinta Beesha Caalamka ee Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo 2017

War Qoraal ah oo kasoo baxay Beesha Caalamka, ayaa lagu yidhi; “Saaxiibada Beesha Caalamku waxay sidoo kale jecelyihiin inay mahad iyo qaddarin u diraan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xilka banaynaya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa, iyagoo uga mahad-naqaya guulihii ay gaadheen afartii sano ee la soo dhaafay waxayna Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadcelinayaan Khudbaddiisa qiimaha lahayd ee tanaasulka, taas oo fududeysay in si nabadgelyo ah oo kaladambayn leh xilka la isugu wareejiyo.”

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu wajahayaa dhawr caqabadood oo waaweyn si uu u xaqiijiyo yidiilada dadka Soomaaliyeed. Dadku waxay ka rejaynayaan dowladda federaalka in ay wax ka qabato dhibaatada Abaaraha ee sii xumaanaysa ee dalka ka jirta iyo inay ka hortagto Macaluul kale (oo dalka ka dhacda).” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Beesha Caalamka ka soo baxay ee lagaga hadlay guusha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Beesha Caalamka, ayaa sheegtay inay ku hanweyntahay inay kala shaqayso Madaxweynaha cusub, Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka ee ka dhisan dalka iyo dadka Soomaaliyeed sidii ay wax uga qaban lahaayeen caqabadaha dalka ka jira.

Ururka Jaamacadda Carabta iyo dawlado badan oo kale, ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub ee Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kuwaas oo sheegay inay si fiican oo dhaw ula shaqayn doonaan dawladdiisa.

aftahanicn@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.