Aqalka Cad oo Ku Guul-darraystay Racfaan uu ka Qaatay Garsoore Laalay Go’aankii Trump

Trump oo Markale Guul-darro la Kulmay
Trump oo Markale Guul-darro la Kulmay

Washington(Aftahannews):- Maxkamad Racfaan oo heer Federal ah, ayaa Gaashaanka ku dhufatay Codsigii Maamulka Trump ku doonayey in si dhakhso ah dib loogu dhaqan-geliyo Qaraarkii Madaxweyne Tramp uu Muslimiinta toddoba waddan oo Islaam ah ku soo rogay, kaas oo Garsoore heer Federal ahi horjoogsaday Jimcihii.

DONALD TRUMP OO SHARRAXAY MALAAYIINKA UU MASTAAFURINAYO
DONALD TRUMP

Xayiraadda Qaraarkani waxay saamaynaysay Dadka u dhashay toddoba Dal oo Muslim ah, kuwaas oo kala ah; Soomaaliya, Suuriya, Yemen, Ciraaq, Suudaad, Liibiya iyo Iiraan, waxaanu go’aankiisu saamaynayaa keliya Dadka Muslimiinta ah ee dalalkaas u dhashay.

Racfaanka Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyaa u gudbiyey Waaxda Cadaaladda ee dalkaas, ayaa yimi ka dib markii Jimcihii uu Xaakimka heer Federaal u jooga Maxkamadda Seettle oo lagu magacaabo James Robart, uu shaaciyey go’aanka ku-meel-gaadhka ah ee uu isku-hortaagay go’aanka Madaxweyne Trump ee cunsirinnimada iyo Islaam-nacaybka ah.

Hase-yeeshee, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo habeen-hore hadlay isaga oo aad uga cadhooday burinta go’aankiisa uu buriyey Xaakimka Maxkamadda Seettle, waxa uu ku tilmaamay mid lagu qoslo, waxaanu wacad ku maray in la jebin doono go’aanka Xaakinkaas.

Balse, Qareennada Amarkan Trump iyo ka Racfaan-qaadashada go’aanka Garsooraha Seettle Waaxda Cadaaladda ee Aqalka Cad ka qaadatay diiday Shalay, ayaa ku dooday inuu yahay go’aanka Trump mid aan Dastuuri ahayn, isla makaana Dadka kala takooraya.

 Hase-ahaatee, Qareennada go’aanka Madaxweyne Trump difaacayey ee Racfaankan Maxkamadda u gudbiyey, ayaa geestooda ku doodayey in aanu Garsooraha Maxkamadda Seettle awood u lahayn inuu laalo Qaraarka Madaxweyne Trump. Laakiin, waxaa Dooddooda jebiyey Xaakinnada Maxkamadda Racfaanka ee heer Federaal oo qayrul-dastuuri ku tilmaamay go’aanka Trump.

Xukunka Xaakimka Aqalka Cad Racfaanka ka qaatay markii uu soo baxay jimcihii  ka dib, ayaa Shirkadaha duullimaadyada Diyaaradaha qaarkood, ayaa oggolaaday inay Dadka dalalka la xannibay ee Diyaaradohooda toddobaadkii hore laga joojiyey inay hadda raaci karaan oo ay ku safri karaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.