Natiijada Kulan dhex-maray Abwaannada Waawayn ee Somaliland & Hoggaamiyeyaasha 3-da Xisbiyada

GOLAHA ABWAANNADA SOMALILAND OO KA HADLAY MUDDO-KORDHINTA, SICIRBARARKA IYO ABAARAHA 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Abwaannada waawayn ee Somaliland, ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi ee Kulmiye, UCID iyo Waddani, kuwaas oo ka wadahadlay laba qodob oo kala ah dib-u-dhigista doorashada Madaxtooyada iyo Gurmadka Dadka Abaaruhu ku saameeyeen Somaliland, iyaga oo sheegay inay labadaas qodob isla qaateen Abwaannada iyo Xisbiyada Siyaasaddu.

ABWAANNADA IYO HOGGAAMIYEYAASHA XISBIYADA SOMALILAND OO LABA QODOB ISLA QAATAY 2017
ABWAANNADA IYO HOGGAAMIYEYAASHA XISBIYADA SOMALILAND OO LABA QODOB ISLA QAATAY 2017

Kulankaas oo ay Abwaannada iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyadu maanta ku wada yeesheen magaalada Hargeysa, ka dib waxaa Saxaafadda la hadlay Muuse Biixi Cabdi, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaanay ka warrameen waxay Abwaannada isla qaateen iyo Abwaannada Somaliland qaarkood.

Masuuliyiinta Mucaaradka ee Waddani iyo UCID Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan-Cirro, waxay sheegeen inay mawqifka ay ka midaysan yihiin ee dib-u-dhigista wakhtiga doorashada wada-jir ugu gudbinayaan Guddiga doorashada si dib loogaga riixo waqtigeeda hore ay ugu muddaysnayd oo ah 28-ka bisha saddexaad ee sannadkan 2017-ka, isla markaana ay Masuuliyadda dib-u-dhigista UCID iyo Waddani ahaan iyagu qaadi doonaan maaddaama oo ay Xukuumaddu ka warwareegayso.

Waxaannu Warbixinta Warka Kulanka Abwaannada iyo Hoggaamiyeyaasha saddexda Xisbi iyo hadalladooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.