Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Xubno Cusub Xilal u Magacaabay iyo Ujeeddada Socdaal uu Burco ku Tegay

MUUSE BIIXI OO SHEEGAY IN XISBIGA WADDANI NOQDAY GEELLE MAROOR NAIROBI KA QAYLIYEY 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ahna Musharraxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas, ayaa Masuuliyiin kala duwan xilal kala geddisan u magacaabay Isniintii shalay intii aanu u bixin magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu xalay ku hoyday.

MUUSE BIIXI OO SHEEGAY IN XISBIGA WADDANI NOQDAY GEELLE MAROOR NAIROBI KA QAYLIYEY 2016
MUUSE BIIXI OO SHEEGAY IN XISBIGA WADDANI NOQDAY GEELLE MAROOR NAIROBI KA QAYLIYEY 2016

Xubnaha uu magacaabay Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa ah saddex Masuul, kuwaas oo kala ah Guddoomiye iyo Xoghaye uu u magacaabay Xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer iyo Guddoomiyaha degmada Widhwidh oo ka tirsan Buuhoodle.

Waxaa sidaa lagu sheegay Wareegtooyin xambaarsanaa Magacaabista Xubnahaas cusub ee Kulmiye xilalka looga dhiibay, kuwaas oo xalay Warbaahinta Aftahannews soo gaadhay, kuna saxeexnaa Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxay u dhingaayeen Sidatan:-

“Kadib markii aan arkay muhiimadda xilalkan heer Gobol u leeyihiin habsami-u-socodka iyo dar-dargalinta hawlaha xisbiga, waxaan u magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Xoghayaha iyo Afhayeenka Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer, laga bilaabo maanta oo bishu tahay December 26, 2016 (shalay).

  1. Mudane Mustafe Ismaaciil Cabdi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer. 2. Mudane Cabdiqani Mahdi Jaamac – In maanta laga bilaabo uu ahaado Afhayeenka Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.

Waxa aan u mahadcelinayaa Xoghayihii hore ee Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer Mudane Baashe Cismaan Xirsi sidii wacnayd ee uu waajibkiisa shaqo uga soo baxay muddadii uu xilka hayey, waxaanan u rajaynayaa xubnaha cusub in Alle ku asturo xilka iyo masuuliyadda ay qaadeen.

Ka dib markii aan arkay Muhiimadda xilkan heer Degmo u leeyahay habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxaan u magacaabay masuulka magaciisu hoos ku qoranyahay in uu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Degmada Widh-Widhee Gobolka Buuhoodle, laga bilaabo maanta oo bishu tahay December 26, 2016 (shalay).

  1. Mukhtaar Ismaaciil Xaaji Axmed (Dabay) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Degmada Widh-Widh ee Gobolka Buuhoodle.

Waxa aan u rejaynayaa Guddoomiyaha in Alle ku asturo xilkaa iyo masuuliyadaa uu u qaaday bah-weynta Xisbiga KULMIYE ee Degmada Widh-Widh ee Gobolka Buuhoodle. ALLAA MAHAD LEH.”

Geesta kale Guddoomiyaha ahna Musharraxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Xubno Xisbiga ka tirsan, ayaa la sheegay inay magacaabista Xubnahaas ka dib isla shalay u ambabaxeen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo ay xalay ku hoydeen, halkaas oo sida ila-wareedyo Kulmiye ka tirsani Wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen ay kaga qaybgeli doonaan Xaflad lagu qaabbilayo Taageerayaal cusub oo Kulmiye ku soo biiraya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.