“Mar Haddaan Dawladnimo Jirin oo aan Cidi Kala Amar-qaadanayn waxaan idhi..” Wasiirka Biyaha Somaliland

WASIIRKA KHAYRAADKA BIYAHA SOMALILAND BAASHE CALI JAAMAC 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac, ayaa sheegay inaanay Somaliland ka jirin nidaam dawladeed oo ku dhisan kala amar-qaadasho iyo kala sarrayn, isla markaana ay diideen inay Wasiir ahaan ka amar-qaataan Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas oo uu dhawaan shaqada ka joojiyey khilaaf muddo jiitamayey ka dib, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berbera iyo Maayerka Berbera-ba.

WASIIRKA KHAYRAADKA BIYAHA SOMALILAND BAASHE CALI JAAMAC 2016
WASIIRKA KHAYRAADKA BIYAHA SOMALILAND BAASHE CALI JAAMAC 2016

Wasiirka Khayraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac oo Salaasadii Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa xarunta Wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa, waxa uu markii u horreysay ka hadlay khilaafka ka dhexeeya isaga iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Cabdirisaaq Jaamac Nuur.

Sidoo kale, Wasiir Baashe Cali Jaamac waxa uu sheegay in aanay sidaa waxba ku socon doonin oo ay Wasiirradu noqon doonaan kuwo dalka u siman ama hadba Ninka ay Madaxweynaha ilmaadeerka yihiin ku takrifalo awoodda, maaddaama oo aanay jirin kala amar-qaadasho iyo nidaam dawladnimo.

Haddaba, Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland oo qodobbadaas kala duwan faahfaahinaya oo sharraxaya, waxaannu Shirkiisa Jaraa’id iyo qaabka uu arrimahaas uga hadlay idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.