Hooyo iyo ilmeheed oo Harraad & Gaajo ugu Geeriyooday Waqooyiga Burco & Dadka Deegaanka oo ka hadlay – Daawo

Hooyo iyo Ilmo ay Dhashay oo Harraad iyo Gaajo ugu Geeriyooday Waqooyiga Burco & Dadka Deegaankaas oo ka hadlay

Ceesha(Aftahannews):- Hooyo iyo ilmo ay dhashay, ayaa Harraad, Gaajo iyo Daryeel-la’aan Caafimaad ugu geeriyooday deegaanka lagu magacaabo Ceesha oo dhinaca Waqooyi mastaafo 8KM ah kaga beegan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaana sida wax u dhaceen Saxaafadda uga warramay Aabbaha Xaaskiisii iyo ilmihiisu geeriyoodeen shalay.

Hooyo iyo Ilmo ay Dhashay oo Harraad iyo Gaajo ugu Geeriyooday Waqooyiga Burco & Dadka Deegaankaas oo ka hadlay
Hooyo iyo Ilmo ay Dhashay oo Harraad iyo Gaajo ugu Geeriyooday Waqooyiga Burco & Dadka Deegaankaas oo ka hadlay

Deegaanka Ceesha, ayaa ka mid ah deegaannada ay Abaartu sida ba’an u saamaysay Dadka iyo Duunyada ay dhaqanayeen oo badi dhammaaday, waxaana la waayey goror biyo ah oo lagu maydho Meydka Hooyada iyo ilmaha yar ee ku geeriyooday deegaankaas, sida ay Warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka oo ku sugnaa goobta ama guriga Hooyada iyo ilmaha yar ee ay dhashay Harraadka iyo Gaajada halkaas ugu geeriyooday.

Waxaa iyaguna ka sokow Aabbahan Qoyskiisu geeriyoodeen halkaas ka hadlay qaar ka tirsan dadka deegaan iyo Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Burco, waxaanannu warbixintooda iyo sida labadaa qof u geeriyoodeen iyagoo ka warramaya aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.