Waddani oo Bahdilaad Madaxweyne ku Tilmaamay Shirkii Odayaasha Bariga Burco iyo Xukuumadda

KULANKA WAXGARADKA BARIGA BURCO IYO MADAXWEYNE SIILAANYO BURCO 2016

“Burco Oo Keliya Lagu Tartami Maayee Somaliland Oo Dhan Baa Lagu Tartamayaa, Ninka Igaga Badinaya Burco Wuu Iman Doonaa, Waa Innoo Barwaaqada..” Xirsi Cali Xaaji Xasan

“Madaxweyne Maanta ma qabataa Qof kula soo halgamay, kuu codeeyay ood codkiisii Madaxweyne ku noqotay inaad ku sagootido waxaa i doortay GAASHAANBUUR AMA IS BAHAYSI LABA REER AH? Abaalkaana aad u lingaxdo cid magacaaban?…” Maxamed Nuur Carraale (Duur)

KULANKA WAXGARADKA BARIGA BURCO IYO MADAXWEYNE SIILAANYO BURCO 2016
KULANKA WAXGARADKA BARIGA BURCO IYO MADAXWEYNE SIILAANYO BURCO 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ka siyaabo kala duwan oo Hanjabaad, Tudhaale iyo Nastiixba isugu jira uga hadlay Shir Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, Masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsan iyo Odayaal ka soo jeeda Beesha Bariga Burco ku dhex-maray magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer Axaddii dorraad, kaasoo Madaxweynuhu Beeshiisa kaga dalbaday inay taageeraan Xisbiga Kulmiye iyo Musharrixiisa jagada Madaxweynaha Muuse Biixi, maaddaama oo ay Beesha Muuse iyo Beeshiisu Gaashaanbuur hore ahaayeen, Siilaanyana wakhtigiisii dhiseen.

XIRSI CALI XAAJI XASAN IYO MAXAMED NUUR CARRAALE (DUUR)
XIRSI CALI XAAJI XASAN IYO MAXAMED NUUR CARRAALE (DUUR)

Hase-yeeshee, Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ahna Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Wakhtigan Xukuumadda Siilaanyo Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo labadooduba shalay si gooni-gooni ah uga hadlay Shirkaas, ayaa Duur waxa uu sheegay in Shirkaas lagu mija-xaabiyey Milgihii, Maamuuskii, Meeqaamkii iyo Masuuliyaddii Madaxweynuhu lahaa iyo Karaamada Ummadda uu Madaxweynaha u yahay ka mudnayd.ba. Xirsina waxa uu sheegay in Shirkaasi yahay mid aan wakhtigiisii ku soo beegmin maaddaama oo hadda aanu tartan jirin, isla markaana xaalad adag oo abaareed iyo Gurmad aan loo kala hadhin loogu jiro sidii wax loogu qaban lahaa Bulshada Abaaruhu saameeyeen ee Reer Somaliland.

Xirsi waxa uu sheegay markay maalin tartan gaadho ee la barwaaqoobo inaanay jirin cid kaga badin karta Burco, Ninka kaga badinayaana uu maalintaa soo bixi doono. Waxaanu Hoggaamiye Xirsi sidaa ku sheegay mar uu shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi; “Waxaan ku dhalliilayaa Qolo Xukuumadda ah oo shalay (dorraad) Burco iyadoo dhibta noocaas ah ee abaaruhu jirto Waayeel ku shirinaysay oo aan Saxaafadda qaarkood ka arkayey Reer Fulaan baa la shiriyey iyo reer Fulaan baa la qabsaday. Waar maanta Dadka inaynu u gurmanno baahidooda wax ka qabanno ayaa loo baahan yahay, Tartanku maanta ma yaallo ee Gurmadka Abaaraha ayaa yaalla, Odayaal haddaad u yeedho dhibban oo dhibtaasi hayso oo tidhaahdo; ‘kaalaya hawshan ila qabta’ waxa laga yaabaa xishood iyo ixtiraam wixii ay samaynayeen hadal qadaf leh odhan. Waanay ku mahadsan yihiin hadalladooda iyo Waayeelka wax-garadka ahi wixii ay ku hadleen.”

“Laakiin, waxaan leeyahay maanta tartan ma yaal ee gurmad baa yaal, innaga oo aan Shicib iyo dawlad kala lahayn oo Mucaarad iyo Muxaafid kala lahayn baynu dadka u gurmanaynaa, maalintaynu dadka u gurmanno ee ka saarno abaaraha, Barwaaqada ayeynu tartami doonnaa ee Nin waloowba waa wixii kaaga soo baxa waynu tartamaynaa, laguna tartami maayo Burco oo keliya ee Burco iyo Somaliland oo dhan baa lagu tartamayaa, Burco-na haddii Illaahay yidhaahdo ninka maalintaa igaga badinayaa wuu iman doonaa, Ninka maalintaa igaga badinayaa waxba ka sii horreysiin maynee wuu iman doonaa, Kalsooni baan isku qabaa, waxaan leeyahay waa innoo Barwaaqada.” Sidaa ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Geesta kale, Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland intii Xukuumadda Siilaanyo Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo wakhtigan ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa Qoraal uu ku baahiyey Bartiisa uu ku leeyahay Shabakadda Facebook, waxa uu ku baahiyey Qoraal uu dhinacyo badan Madaxweynaha kaga tusaalaynayo Shirka uu Burco Odayaal Beeshiisa ka tirsan kula yeeshay Axaddii iyo sida uu uga fogaa ajandaha shirkaasi Milgihii uu Madaxweyne ahaan huwanaa iyo masuuliyadda uu Qaranka Somaliland guud ahaan Mucaarad iyo Muxaafid Qof doortay iyo Qof aan dooranba u hayo iyo weliba sida ajandaha shirkaas iyo wixii laga yidhi gef ugu yahay ummaddii shalay Madaxweynaha Somaliland u dooratay.

Qoraalkaas Duur arrimahaas iyo kuwo kale oo shirkaas la xidhiidha kaga hadlay, kuna tilmaamay mid uu Madaxweynaha ugu nasteexaynayo, wanaagna ula jecelyahay, waxa uu u dhignaa sidan:- “Maaha milgihii Madaxweyne! Madaxweyne waa Masuulka Qaranka ugu sarreeya, waa mideeyaha ummadda guud ahaan mid doortay iyo midaan dooran, waxa xilkaasi fuulay ka dib markii uu ka guulaystay ciddii tartanka la gashay.

Axmed waa Madaxweyne waayeel ah oo aan filaayay inay ku filan tahay in uu taariikh nololeed Dahabi ah ku gunaanadi doono sharaf iyo in uu ka tago dal iyo dad midaysan, sidii Madaxweynayaashii isaga ka horreeyay-ba asteeyeen. Mudane Madaxweyne waa lasoo maleegay Shirkaa (Shirka Burco) adna waa lagugu shaanbadeeyay, Allawse sharaftaadii ma dileen!?

Madaxweyne waxaan muran ku jirin in dhammaan ummadda reer Somaliland Bulshada degtaa aanu jirin Reer ama Qabiil ama Ardaa haba-yaraate aanad cod ka helini, markaa maanta ma qabataa Qof kula soo halgamay, kuu codeeyay ood codkiisii Madaxweyne ku noqotay inaad ku sagootido waxaa i doortay GAASHAANBUUR AMA IS BAHAYSI LABA REER AH? Abaalkaana aad u lingaxdo cid magacaaban. Madaxweyne maanta waxaa Safarka kugu weheliyay Masuuliyiin aan ahayn Isbahaysiga aad sumadday oo kula wadaaga aragtida Kulmiye iyo in Muuse lagu dhiso Xisbinnimo, haddaad ka faqdeen oo faqu ahaa Beelo ama Reero ma qabataa inaad ka raacdo Adigoo Odaygii Qaranka ahaa ood ka qarsato? Waabay dhacdee haddii faq Qabiil ahayd maxaad u faafiseen?

Madaxweyne waad ka tegaysaa xilka Qaranka oo xil la wada leeyahay oo la wadaago ceeb uma arko inaad cod u raadiso Musharraxa Kulmiye Saaxiibkayo Muuse, milgaha iyo masuuliyadda aad u hayso Mucaarad iyo Muxaafadba sidee ayaad ugu caddayn kartaa inaad qabanayso doorasho xor ah oo xalaal ah? Ama sidee Qaran mid ah oo la yidhaahdo Somaliland Adiga dabadaa loo heli karaa?

Madaxweyne waxaan ahay intii kula soo shaqaysay, intii kula soo martay Mucaarad, waxaan kula wadaaga taariikh wanaagsan iyo mid xun, Allaah ma qaddaro taa xune inta kula wadaagta magacaa, maantana qoraalkani waa iga magac-dhawr, maaha Mucaarad anoo ah Xisbi Mucaarad ah. Waa tudhaale aan u muuqan mid is muujin iyo jawaab u isticmaalaya haybadda Madaxweyne oo cid iga sheegan kartaa aanay jirin.” Sidaa ayuu Duur ku yidhi Qoraalkiisa.

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.