Daawo Wasiir Maareeye oo Suldaan uu Xidhay Warbaahinta Horkeenay Saacado ka dib, Kana Hadashiiyey

WASIIR MAAREEYE OO WARBAAHINTA HOR-KEENAY SULDAAN UU XIDHAY MUQDISHO 2016

Muqdisho(Aftahannews):- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Warbaahinta horkeenay Caawa Suldaan uu gelinkii hore ee Isniinta lagu xidhay xarunta Nabad-sugidda Muqdisho, ka dib markii uu Wasiir Maareeye Amarkaas bixiyey sida uu sheegay Boqor Maxamed Jaamac Dalmar oo Saxaafadda qaarkeed Warkaas siiyey isagoo ku sugan Muqdisho.

WASIIR MAAREEYE OO WARBAAHINTA HOR-KEENAY SULDAAN UU XIDHAY MUQDISHO 2016
WASIIR MAAREEYE OO WARBAAHINTA HOR-KEENAY SULDAAN UU XIDHAY MUQDISHO 2016

Wasiir Maareeye oo ay dhinacyada ka fadhiyeen Suldaanka uu gelinkii hore ee Isniintii xidhay oo ay isku beel yihiin laguna magacaabo Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed iyo Xubno kale oo uu Maareeye sheegay inay Cuqaal yihiin, ayaa Shir Jaraa’id oo ay wada-jir caawa ugu qabteen Muqdisho, ku sheegay inaanu waxba ka jirin warka sheegaya in Suldaan Faarax lagu xidhay Amar Maareeye ahaan uu bixiyey.

Boqor Maxamed Jaamac Dalmar oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ka soo jeeda ee Muqdisho ku sugan, ayaa Saxaafadda u sheegay in Suldaan Faarax Maxamuud subaxnimadii Isniinta Ciidammada Nabad-sugidda Somaliland ka qabteen Guriga uu Boqor Dalmar deggan yahay oo ku yaalla agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho oo u dhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo markaa doonayey Suldaanku inuu Suuqa u baxo.

Boqor Maxamed Jaamac Dalmar, ayaa Saxaafadda u sheegay in isagana jugo la soo gaadhsiiyey markii la qabanayey Suldaanka, isla markaana waxa uu ku eedeeyey Xadhigga Suldaan Faarax inuu ka dambeeyey Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ahaa Xildhibaan hore, sidoo kalena doonaya inuu ka mid noqdo Xildhibaannada cusub, isla markaana ay u ololalaynaya Musharrax Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynaha hadda ee markii labaad sharraxan.

Waxaanu Boqor Dalmar sheegay in aanay wakhtigaas uu Isniintii la hadlayey Saxaafadda garanaynin meesha uu ku xidhan yahay Suldaankaasi, isla markaana ay u arkaan ama aamminsan yihiin in uu Afduubay Wasiir Maareeye oo ay isku beel yihiin Suldaanka, isla markaana isku khilaafeen Ergada dooranaysa Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya u metelaya Beelaha Gobollada Waqooyi (Somaliland).

Hase-yeeshee, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ay dhinacyada ka fadhiyeen Ninka lagu eedeeyey inuu qafaashay iyo xubno kale oo uu Cuqaal ku sheegay, waxa uu yidhi; “Waxa jira warar kutidhi-kuteen ah iyo been ah oo maanta (Shalay) dad dano gaar ah leh oo ah dad la siyaasadeeyey oo doonaya inay samcad dilaan madaxda gaar ahaan anniga oo ay leeyihiin Suldaan buu waxyeelay oo aanay waxba ka jirin oo sidaa ayuu Suldaanku u yimi. Wararkaas oo ah warar been abuur ah oo aan sal iyo raadtoonna lahayn. Marka taas baannu ugu talla-galay in aannu ka jawaabno.”

“Hay’adaha sharciga waxaannu ka codsanaynaa in dadka doonaya inay wax u dhimaan sumcadda dalka Soomaaliyeed iyo madaxda Soomaaliyeed inay tallaabo ka qaadaan, oo hadda Suldaankii la sheegayay uu xor yahay, oo wax annaga noo dhexeeya aanay jirin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maareeye oo hadalkiisa iyo Wejigiisaba Cadho badani ka muuqatay marka uu hadlayey.

Sidoo kale, Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed oo ah Suldaanka la xidhay, balse heshiis iyo wax kala qaadasho la sheegay inay isaga iyo Maareeye oo u ololaynaya in Xasan Sheekh Maxamuud mar kale Madaxweyne loo doortay dhex-martay ka dib uu ku soo daayey ka dib markii sida la sheegay Madaxtooyadu ku canaanatay xadhigga Suldaankaas, balse Suldaan Faarax oo garab-fadhiyey marka uu hadlay, waxa uu Suldaankaasi markii la soo daayey. ee laga hadashiiyey sheegay, inaan cid xidhayba jirin.

“Waxaan halkan ka caddaynayaa in aanay jirin wax khilaaf ah oo naga dhexeeya Aniga iyo Wasiirka Warfaafinta, Dalxiiska iyo Dhaqanka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye). Waxa kale oo aan halkan ka caddaynayaa warar kutidhi-kuteen ah oo suuqa la jiidayo (in lay xidhay) in aanay ahayn kuwo wax ka jiraan, Ergada Beeshana aannu hore isugu waafaqnay.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Faarax Maxamuud.

Haddaba, Shirkaas Jaraa’id ee ay Wasiir Maareeye, Suldaan Faarax iyo Xubnaha kale ee Beeshoodu caawa ku wada qabteen magaalada Muqdisho iyo siday uga hadleen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahninc@gmailcom

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.