Xukuumadda oo ku Fashilantay wax-ka qabashada Qiimaha Doollarka oo Cirka Isku Shareeray & Digniinta Samsam

AGAASIMAHA GUUD EE BAANKA DHEXE IYO WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND 2016 SICIR-BARARKA DOOLLARKA

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda talada haysa, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka dhexe ee Somaliland oo ku guul-darraystay xakamaynta iyo wax-ka qabashada Qiimo-bararka Sarrifka Lacagta Doollarka ah, ayaa iyadoo maalmahan uu Cirka isku shareeray qiimaha halka Doollar lagu sarrifo oo gaadhay siddeed Kun oo Lacagta Shilinka Somaliland ah iyo dheeraad halkii uu ka ahaa toddoba kun iyo shan boqol oo shilin, ayaa sheegay inay digniin ka soo saareen kor-u-kaca qiimaha Doollarka.

AGAASIMAHA GUUD EE BAANKA DHEXE IYO WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND 2016 SICIR-BARARKA DOOLLARKA
AGAASIMAHA GUUD EE BAANKA DHEXE IYO WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND 2016 SICIR-BARARKA DOOLLARKA

Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo Agaasimaha Baanka dhexe  dhexe Cabdillaahi Xasan Aadan oo Galabta Warbaahinta kula hadlay xarunta Baanka ee Hargeysa, ayaa ka hadlay Sarrifka Lacagta Doollarka oo ay hore-ba ugu xal-waayeen wax-ka-qabashadiisa oo ay Maamulaan inta badan Sarriflayaasha Suuqa Hargeysa.

“Annagoo Safar Barriga ah ku maqnayn oo Abaaraha ah oo immika uu Roobkii bilaabmay oo uu meelo badan ka curtay, waxa dhacday in Sarrifkii Doollarku uu kor u kacay oo siddeed kun iyo dheeraad lagu Sarrifay halkii Doollar, Ummaddii aannu halkaa ku soo aragnay ee Mushaharka yar qaadanaysay ay Mushaharkii kor u hayaan oo uu waxba u goyn waayey.” Sidaa ayey tidhi Samsam.

Waxaanay Wasiir Samsam in Madaxweynuhu amray markay galabta soo gaadheen Hargeysa inay ku degto xarunta Baanka dhexe, go’aanna ka soo saarto arrinta Sicir-bararka Doollarka, waxaanay tidhi; “Madaxweynaha oo aan la socday, waxa uu Madaxweynuhu amar igu siiyey inaan baanka ku hor dago oo aan kala hadlo dadka lacagta gacanta ku haya dollarka in ay u tudhaan umadda. Hadii ay u tudhi waayaana ay dawladdu masuul ka tahay sidaa loogu gurmaday abaaraha ee loogu xaytay in tana loogu xaydanayo, waayo ummadda waynu ilaalinaynaa haday kuwa miyiga jooga tahay iyo haday kuwa magaalada joogaba tahay. Waxa ka go’an dawladda in lacagta yare e ay wax ku iibsanayaan wax u goyn karto. Waxa aanu doonaynaa in aanu ka wada tashano dadka lacagta adagi gacanta ugu jirto ee dadkii ku dul baayacaya ee ka dilaalaya een abaar eegayn een waxba eegayn inay ummaddooda u tudhaan, hadii kale ay dawladdu go’aamo adag oo hadhowto aan ka farxin laga qaadan doono, hadii Illaahay yidhaahdo.”

Agaasimaha guud ee Baanka dhexe Cabdillaahi Axmed oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay Baan ahaan Masuuliyiintiisa, Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxweynaha Somaliland-ba ay ka go’an tahay in qiimo loo yeelo Lacagta Somaliland. Waxaanu sidoo kale sheegay inuu digniin u dirayo Sarriflayaasha. “Shilinka Somaliland inuu qiimo yeesho ayaa ka go’an Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Baanka Dhexe iyo Madaxda Baanka Dhexe-ba. Immika waa wargelin uun ee Tallaabo ayaa la qaadi doonaa.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Baanka dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Maaliyadda, Baanka dhexe iyo Xukuumadda talada Somaliland haysa, ayaa u muuqda kuwo ku fashilmay wax ka qabashada qiimo dhaca Lacagta Somaliland oo aan waxna lagu baayicin waxna lagu iibin inta badan, halka wax ku iibinta iyo baayacaadda shay kasta oo Suuqyada dalka laga iibsanayaaba ku fadhiyo Doollarka Maraykanka, halka Ganacsatada qaarkood iyo Hay’adaha dawladda qaar ka tirsani-ba aanay qaadin Lacagta Somaliland ee ay qaadaan, waxna ku iibiyaan Doollarka.

Sidoo kale, waxaa soo noqnoqda kor u kaca qiimaha Doollarka marka lagu sarrifayo lacagta Somaliland, waxaana fashilmay oo meel ay ku dambaysay iyo waxay qabatay toona aan la aqoon Guddi Qaran oo uu Madaxweyne Siilaanyo u saaray inay ka hawlgalaan wax ka qabashada qiimo-dhaca Shilinka Somaliland iyo hoos-u-dhigga Doollarka, iyo sidoo kale in Ganacsatada kala duwan lagu amro inay Shilinka Somaliland wax ku iibiyaan oo aanay Doollarka wax ku iibin, taasoo haba-yaraatee, wax ka hirgelay aanu ka jirin. Sidoo kale, Amar uu horraantii sannadkan bixiyey Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku sheegay in Halka Doollar Sarrifkiisa lagu fadhiisiyo Lix Kun oo Lacagta Somaliland ah, ayaan wax ka hirgelayba jirin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.