Doorashada Madaxweynaha ee Soomaaliya oo Mar kale Dib loo dhigay & Sababta Dib-u-dhaca

GUDDIGA DOORASHOOYINKA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO SHAACIYEY IN DOORASHADA MADAXWEYNUHU DIB U DHACDAY 2016

Muqdisho(Aftahannews):- Guddiga doorashada Dadban ee heer Federaal ayaa War ka soo saaray waqtiga la qabanayo doorashada Madaxweynaha, oo ay hore ugu riixeen inay go’aan ka gaadhi karaan Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka oo weli aan xulistooda la dhammaystirin.

GUDDIGA DOORASHOOYINKA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO SHAACIYEY IN DOORASHADA MADAXWEYNUHU DIB U DHACDAY 2016
GUDDIGA DOORASHOOYINKA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO SHAACIYEY IN DOORASHADA MADAXWEYNUHU DIB U DHACDAY 2016

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Dadban ee Soomaaliya Cumar Maxauud Cabdulle (Cumar-Dhagey) oo Warbaahinta la hadlay mar ay gelinkii dambe ee Maanta Shir Jaraa’id ku qabteen Muqdisho, ayey sheegeen in dib u dhac uu ku yimid Jadwalkii hore ee loo qorsheeyay in ay ku dhacdo doorashada Madaxweynaha oo markii hore ku muddaysnayd 30-ka bishan November ee aynu ku jirno.

Cumar-Dhagey, ayaa sheegay in waqti dhaw la qabanayo doorashada Madaxweynaha inkastoo aanu caddaynin Maalinta rasmiga ah iyo taariikhda ay qabsoomayso doorashada Madaxweynuhu. Balse, waxa uu ku dooday in dib-u-dhaca doorashada Madaxweynaha ay sabab u tahay Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo aan weli la soo dhammaystirin.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo ka hadlayey cabashooyinka qaabka loo soo dooranayo Xildhibaannada iyo awood-sheegashada meelaha qaarkood ka dhacday iyo musuqmaasuqa lagu eedeeyey Guddi ahaan, ayaa sheegay inaanay Xildhibaanno u aqoonsan doonin Xubnaha qaabkooda doorasho lagu murmo, isla markaana aanay siin doonin xubin kasta oo doorashadeeda lagu murmo Kaadhka Aqoonsiga Xildhibaannimada, waxaanu ugu baaqay Xildhibaannada la doortay intooda maqani inay si dhakhso ah u yimaaddaan magaalada Muqdisho.

Bishii Sagaalaad ee sannadkan, ayuu qorshuhu ahaa inay qabsoonto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, balse qabyooyin soo baxay awgood ayaa dib loogu dhigay marar kala duwan, iyadoo muddayntii u dambaysay ku buuxdo 30-ka bishan aynu ku jirno, taasoo ay Guddigu sheegeen inaanay ku qabsoomaynin ee ay dib uga dhacayso, waxaanay tani sii kordhin kartaa walaaca beesha caalamku ka qabto saxnaansha doorashada Soomaaliya ee 2016-ka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.