Daawo Hanjabaadda, Doodda, Jawaabta, Is-difaaca iyo Dhalliisha Xukuumadda Xirsi u Jeediyey

HOGGAAMIYAHA XISBIGA WADDANI XIRSI CALI XAAJI XASAN HANJABAAD IYO JAWAAB 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo immika ah Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin Dayn uu qaab Musuqmaasuq oo kale ah ugu eedeeyey Wasiirka Hawlaha guud inuu Xirsi ku wareejiyey markii uu xilka ka tegayey, waxaanu Xirsi ku dooday inaanu Wasiir Cali-Marreexaan xil ku wareejin ee uu Wasiir Maxamuud Xaashi xilka ku wareejiyey.

HOGGAAMIYAHA XISBIGA WADDANI XIRSI CALI XAAJI XASAN HANJABAAD IYO JAWAAB 2016
HOGGAAMIYAHA XISBIGA WADDANI XIRSI CALI XAAJI XASAN HANJABAAD IYO JAWAAB 2016

Xirsi waxa uu sheegay inay jirtay Dayn lacagta lagu bixinaya Qorshaha Bajadka ama Miisaaniyadda Waddooyinka ku jirtay, isla markaana qaabka Lacagta dowladda loo bixiyaa tahay Rubuc Rubuc oo marba in la sii daayo. Hase-yeeshee, waxa uu ku dooday inaanu jirin hal Doollar oo uu musuqmaasuqay, haddii lagu soo helana diyaar u yahay waxa sharci mariyo.

Waxa uu Hoggaamiye Xirsi Xukuumadda ku dhalliilay Shir Beesha uu ka soo jeedo Odayaal-dhaqameed ka tirsan ay la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan, kaasoo Burco ka qabsoomay Axaddii shalay isla markaana Madaxweynuhu kaga dalbaday inay taageeraan Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, iyaguna ku ballan-qaadeen inay dooranayaan marka doorashada Madaxtooyada la gaadho. Waxaanu Xirsi ku hanjabay inaanay jirin cid Burco kaga adkaanaysaa oo uu kalsooni isku-qabo.

Sidoo kale, Xirsi waxa uu sheegay inaanu jirin wadahadallo gaar ah oo si gaar ah u dhex-mari jiray isaga iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Nuur (Tersan) oo dhawaan sheegay inuu intii aan la bilaabin wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya isagu bilaabay wadahadallo si gaar ah u dhex-mari jiray Guddiyo ay isaga iyo Xirsi ka mid ahaayeen oo Muqdisho iyo Hargeysa kala meteli jiray. Balse, waxa uu ku dooday inay jiraan inay is-arkeen oo Nairobi ku kulmeen, balse aanay jirin wax ay hoos ahaan u wada wadeen.

Waxa uu Xirsi arrimahaas kala duwan kaga hadlay Shir Jaraa’id oo uu Isniintii Maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, hadalkaa doodda, is-difaaca, hanjabaadda iyo dhalliisha isugu jira ee Xirsi waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.