Madaxweynaha oo Hargeysa si Diirran loogu soo Dhaweeyey, Soona Gunaanaday Safarkii Tabantaabo

GABADH YAR OO MADAXWEYNE SIILAANYO UBAX KU SOO DHAWAYNAYSA HARGEYSA 2016

Hargeysa(Ogaal):- Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayey oo Safar la baxay Tabantaabo ku maray gobollada Bariga Somaliland ee Abaartu ka jirto oo ay Caawimana gaadhsiiyeen, ayaa galabta ku soo laabtay Caasimadda Hargeysa oo ay Sabtidii toddobaadkii hore ka ambabaxeen, waxaana si diirran u soo dhaweeyey Boqollaal ka tirsan Shacabka Hargeysa.

GABADH YAR OO MADAXWEYNE SIILAANYO UBAX KU SOO DHAWAYNAYSA HARGEYSA 2016
GABADH YAR OO MADAXWEYNE SIILAANYO UBAX KU SOO DHAWAYNAYSA HARGEYSA 2016

Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen-Dayr oo Saxaafadda la hadlay markii Madaxweynaha iyo Weftigiisu soo gaadheen Hargeysa soo dhawaynta ka dib, ayaa Shacabka ku dhaqan Hargeysa uga mahad-celiyey soo dhawaynta ay ku qaabbileen Madaxweynaha iyo Weftigiisa, waxaanu sidoo kale u mahad-celiyey guud ahaanba Shucuubta ku dhaqan deegaannadii uu Weftiga Madaxweynuhu ku maray Safarka Tabantaabo oo dhan. Waxaana sidaa lagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada qaybtiisa Warbaahinta qaabbilsan, waxaanu Nuqul ka mid ah Warkaas oo Aftahannews soo gaadhay u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo uu hoggaaminayey kuna guda jiray safarkii la magac baxay Tabantaabo ayaa  maalintii tobnaad ku soo noqday Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey maanta.

Safarkan Madaxweynaha ee Tabantaabo ayaa ahaa mid madaxweynuhu ku soo maray Gobolada, Sool, Sanaag, Saaxil, Daadmadheedh, Togdheer iyo degmooyin hoos taga Buuhoodle  iyo Xaysimo, jiidahaasi oo ay abaar baahsani saamaysay, dadkii iyo duunyadii ku dhaqnaana ay haraad iyo baad la’aani haleeshay.

Madaxweynaha oo xaaladaasi socdaal dheer u galay sidii uu ugu kuurgelinahaa una soo taaban lahaa xaqiiqada ka jirta dhulkaasi ayaa dadka iyo duunyada gaadhsiiyey deeqo kala duwan oo loogu talo galay in lagu taakuleeyo inta jilicsan een awoodin inay u adkaystaan xaalada abaarta.

Weftiga Madaxweynaha oo uu wehelinayey gudoomiyaha xisbi xaakimka Kulmiye ahna Murashaxa doorashada Madaxtooyada ee dalka ka dhici doonta bilaha fooda inagu soo haya ayaa isagu safarka kaga hadhay magaalada Ceerigaabo, isagoo ay wehelinayaan Wasiirada Madaxtoooyada, Warfaafinta iyo xubno ka mida guddida abaaraha heer qaran.

Madaxweynaha oo shacbiga ku dhaqan gobolada Sanaag, Saraar, Togdheer, Saaxil iyo Maraadi-jeex kala kulmay soo dhawayn diiran kana turjumaysa hoggaaminta madaxweynaha iyo damqashada dadka iyo duunyada abaartu haleeshay ayaa ku soo dhaweyey madaxweynaha weedho dhiirigelin u ah qof kasta oo muujiya dareen la mid ah ka madaxweynuhu u huray shacbigii u codeeyey oo u baahan taageero iyo in madaxweynuhu la soo arko intii looga sheekayn lahaa siday wax u jiraan kuna sugan yihiin.

Madaxweynaha oo shacbiga faray inay tukadaan salaad roob-doona ayaa ay jiraan goobo kala duwan oo roobku ka da’ay salaadaasi ka dib iyadoo madaxweynaha laftiisa uu shalay xidhay dooxa Aw-barkhadle oo isagu ha kiyey isu socodka gaadiidka u kala goosha gobolada galbeedka iyo bariga, weftiga madaxweynuhuna sidaasi awgeed ay ku hakadeen magaalada berbera oo ay u hoydeen kana soo kicitimeen saaka oo Isniin ah.

Markii soo dhawayntaasi balaadhan ay u sameeyeen Madaxweynaha iyo weftigiisa shacbiga ku dhaqan caasimadu waxa saxaafada la hadlay una mahadnaqay dhamaan goobihii madaxweynuhu soo maray dadkii ku soo dhaweeyey gaar ahaan shacbiga caasimada hargeysa ku dhaqan Afhayeenka Madaxtooyada Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr) isagoo ka wakiil ah kuna hadlayey afka madaxweynaha qaranka Somaliland.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.