Badheedhihii Samsam, Ballan-qaadkii Beesha Siilaanyo ee Taageerada & Dhoolla-caddayntii Madaxweynaha

KULANKA WAXGARADKA BARIGA BURCO IYO MADAXWEYNE SIILAANYO BURCO 2016

Burco(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa si adag ula hadashay Odayaasha Dhaqanka, Wax-garadka iyo Masuuliyiin ka tirsan Beesha Bariga Burco ee gobolka Togdheer oo ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftiga uu hoggaaminayey kulan gaar ah shalay kula qaateen magaalada Burco oo Weftigu habeen hore u hoyday.

KULANKA WAXGARADKA BARIGA BURCO IYO MADAXWEYNE SIILAANYO BURCO 2016
KULANKA WAXGARADKA BARIGA BURCO IYO MADAXWEYNE SIILAANYO BURCO 2016

Wasiir Samsam, ayaa Odayaasha iyo Wax-garadka Beesha Madaxweynaha ugu baantay sidii Beesha ay ka soo jeeddaa u taageereen Axmed-Siilaanyo markii uu ahaa Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye ee uu u ordayey doorashada Madaxtooyada iyo sidii ay ula garab-taagnaayeen taageerada hooda iyo hiilka ah-ba iyo sida wakhtigan loogu baahan yahay inay u taageeraan Musharraxa Madaxweynaha Kulmiye ee wakhtigan Muuse Biixi Cabdi.

“Annagu markii aannu Madaxweynaha taageeraynay, waxaannu ku taageernay taariikh-diisa iyo wuxuu yahay reer ahaan iyo gaashanbuurta gaashaan buurtiisa inuu ahaa, cidi nagumay ballamin Annaga Madaxweynaha sida immika la idinku ballamiyey.” Sidaa ayaye tidhi Samsam Cabdi Aadan oo ka hadlaysay kulankaas Weftiga Madaxweynaha iyo Odayaasha shalay ku dhex-maray Burco.

Wasiir Samsam oo sii wadatay hadalkeeda, waxay intaas ku ladhay; “Laakiin taariikh baannu ku dagaalamaynay, runtii Adduunka Gaashaanbuurtu way ka dhacdaa oo waddamada waaweeyn ee Waarso iyo Naatada aad arkaysaan waa isgaashanbuuraysi, waxa weeye dan baa loo arkay.”

“Annaguna dantii baannu eegayn oo illaa dhawr iyo kontankii Gaashaanbuur baynu ahayn tii baannu illaalinaynay oo aannu deegaankayaga ka ilaalinaynay oo iyadoo dawladi idinla dagaallamayso loo soo mari waayay, tii baannu idinka filayna idinkana.” Sidaa ayay tidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan.

Xubnaha Odayaasha iyo Wax-garadka uu Beesha Bariga Burco ee Madaxweynuhu ka soo jeedo ka tirsan ee Shirkaa fadhiyey qaarkood, ayaa isla kulankaas shalay kaga jawaabay hadalka Wasiir Samsam Cabdi Aadan iyo Baaniseheeda oo ay sacabka u tumeen, isla markaana soo dhaweeyeen sida ay ula garnaqsatay, iyaga oo halkaas ka ballan-qaaday inay si buuxda u taageerayaan Musharraxa uu Madaxweyne Siilaanyo u calaamadiyey ee Muuse Biixi.

“Waxaannu nahay Kulmiye oo Naf iyo maal nagaga baxay oo cid aannu uga tagaynaa ma jirto, oo isaga ayaannu ku kharash-garawnay, isagaannu ku daalnay, isagaannu ku dhimannay, isagaa dad nagu nacay, isagaa nalooga tegay, cid aannu uga tagaynaana ma jirto.” sidaa waxa yidhi Abwaan Hurre Walanwal oo ka mid ahaa Waxgaradka Shirkaas ka qaybgalay.

“Muuse waxaan leeyahay muruqayagu waa caynkiisii, Ragga halkan fadhiya haddii aannu nahay, saddexdan Xisbi markii horre Annagaa hoggaaminaynay markii dhexena Annagaa hoggaaminaynay. Maantanna mid qudha ayaannu nahay oo waannu u codaynaynaa Muuse. In aannu soo saarayno Madaxweyne cidda aad noo calaamadisay oo ah Muuse Biixi shaki kuma jiro oo wax laguma lammaaneenayo calaamaddaada inaanay jirin waa dhab (Madaxweyne).” Sidaa waxa yidhi oo iska daba-maray Xubno kale oo ka tirsanaa Odayaasha iyo Wax-garadka Beesha Madaxweyne Siilaanyo ee Kulankaas ka hadlay Wasiir Samsam ka dib.

Hase-yeeshee, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo gebogabadii kulankaas hadal kooban ka jeediyey isagoo dhoolla-caddaynaya, ayaa yidhi; “Farxad wayn bay ii tahay in aan maanta (Shalay) shirkan aan ka soo qayb galo waan idiinka mahad-celinaya sida fiican ee aad noo soo dhawayseen ee aadka iyo aadka u wanaagsan. Waxaan aad ugu faraxsannahay in aynu maanta (shalay) isku raacno taageerada Xisbiga Kulmiye iyo Musharraxiisa oo aynu meel uga soo wada jeesanno iyo taageerada aad na siiseen ee aad la garabtaagan tihiin Xisbiga iyo Musharrixiisa.”

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.