Wasiir Maareeye oo lagu eedeeyey Afduubka Suldaan Somaliland u dhashay, Sababta & Boqor Maxamed oo ka hadlay

WASIIR MAAREEYE OO LAGU EEDEEYEY INUU AFDUUBAY SULDAAN BARIGA BURCO U DHASHAY 2016

Muqdisho(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa lagu eedeeyey inuu Afduubay Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed oo ka mid ah Madax-dhaqameedka xulaya Ergada dooranaysa Xildhibaannada Beelaha Somaliland ka soo jeeda ee ka mid noqonaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

WASIIR MAAREEYE OO LAGU EEDEEYEY INUU AFDUUBAY SULDAAN BARIGA BURCO U DHASHAY 2016
WASIIR MAAREEYE OO LAGU EEDEEYEY INUU AFDUUBAY SULDAAN BARIGA BURCO U DHASHAY 2016

Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed oo ay isku beel ka soo jeedaan Wasiir Maareeye, ayaa subaxnimadii Isniinta Maanta Ciidammada Nabad-sugiddu ka qabteen Guriga uu degganaa oo uu leeyahay Boqor Maxamed Jaamac Dalmar oo isaguna ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ka soo jeeda ee Muqdisho ku sugan, kaasoo ku yaalla agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho oo u dhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho.

Boqor Maxamed Jaamac Dalmar, ayaa Weriye Aftahannews ka tirsan u sheegay in isagana jugo la soo gaadhsiiyey markii la qabanayey Suldaanka, isla markaana waxa uu ku eedeeyey Xadhigga Suldaan Faarax inuu ka dambeeyey Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ahaa Xildhibaan hore, sidoo kalena doonaya inuu ka mid noqdo Xildhibaannada cusub, isla markaana ay u ololalaynaya Musharrax Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynaha hadda ee markii labaad sharraxan.

Waxa uu Boqor Maxamed Jaamac sheegay inay u arkaan in Suldaankaa uu Wasiir Maareeye afduubay, isla markaana aanay illaa hadda garanaynin meesha la geeyey iyo halka lagu xidhay toona. Boqor Maxamed waxa uu intaas ku daray in tallaabada Wasiir Maareeye isku dayey inuu ku cabbudhiyo Madaxda Dhaqanka iyo Ergooyinka ay soo xulayaan inaanay u suurageli doonin, isla markaana Afduubka Suldaan Faarax sida uu hadalka u dhigay waxba ka beddeli doonin hawsha u taalla iyo sida ay u maarayn doonaan Madax-dhaqameed ahaan iyo Ergo ahaanba.

Ila-wareedyo ka ag-dhaw Wasiir Maareeye Xayir oo Aftahannews soo xigtay, ayaa tibaaxay in Wasiir Maareeye Suldaanka La xidhay ku eedeeyey inuu u ololaynayo Raysal-wasaaraha hadda Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo u sharraxan Madaxweyne, isla markaana lacag fara badan oo dawladda Imaaraadku soo siisay la sheegay inuu ku farraqayo Madax-dhaqameedka Ergooyinka soo xulaya, Ergooyinka laftooda iyo Xubnaha Xildhibaannada loo dooran doono ee intooda badani xulan yihiin, si ay isaga ugu codeeyaan marka Madaxweynaha Baarlamaanku dooranayo.

Warku waxa uu intaas ku daray in Suldaanku ka dhega-adaygay dhinaca Wasiir Maareeye wax u wado inuu ula wado, taasina ay tahay ta keentay xadhiggan Boqorku afduubka ku tilmaamay ee Suldaanka maanta lagu xidhay oo yimi sida la sheegay hanjabaad Suldaanka iyo Wasiirka dhex-martay ka dib.

Wasiir Maareeye weli kama hadal dhacdadan oo Saxaafadda kuma faahfaahin sababta rasmiga ah ee uu u xidhay Suldaan Faarax Maxxamuud oo ay ka soo wada jeedaan Beesha Bariga Burco ee Somaliland. Balse wixii warar ah ee ka soo kordha arrintaa, waxaannu idiinku soo gudbin doonnaa Wararkayaga dambe ee haddii Illaahay idmo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannes.com

Hargeysa/Somaliland.