Burco: Kulankii Odayaasha ee Madaxweyne Siilaanyo, Kormeerkii Ka Dambeeyey & Ku Hoyashada Berbera

KULANKA WAXGARADKA BARIGA BURCO IYO MADAXWEYNE SIILAANYO BURCO 2016

Burco(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xalay u hoyday magaalada Burco markii uu Sabtidii ka soo laabtay Ceerigaabo, ayaa Axaddii Maanta kulan gaar ah Burco kula qaatay Odayaal, Xildhibaanno iyo Wax-garad ka tirsan Beesha Bariga Burco ee gobolka Togdheer oo ay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsanayd taageero inay u muujiyaan Musharraxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi doorashada soo socoto.

KULANKA WAXGARADKA BARIGA BURCO IYO MADAXWEYNE SIILAANYO BURCO 2016
KULANKA WAXGARADKA BARIGA BURCO IYO MADAXWEYNE SIILAANYO BURCO 2016

Ka sokow kulankaas, waxa uu Madaxweynuhu furay dhismayaal iyo waddooyin Burco laga hirgeliyey, halkaas oo uu ka soo ambabaxay isla shalay, isagoo Weftigu Caawa ku soo hoyday magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, halkaas oo kulammo iyo kormeer la filayo inuu Xafiisyada dawladda ee Berbera qaarkood ku sameeyo ka dib, waxa uu u soo ambabixi doonaa dhinaca magaalada Hargeysa oo uu ka safray Sabtidii toddobaadkii hore.

Waxaa sidaa lagu sheegay War Qoraal ah oo uu soo diray Xafiiska Warbaahinta ee Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, kaasoo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com caawa, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Weftigii Madaxweynuhu hoggaaminaayey oo maalintii sagaalaad ku guda jira socdalkii la magac baxay Tabantaabo ee xaalada abaarta la xidhidhay oo xalay u hoyday magaalo Madaxda Togdheer ee Burco ayaa saaka kulan balaadhan la qaatay Odayaasha, Aqoonyahanka, Xildhibaannada iyo Waxgaradka  gobolka qaar ka mid ah oo ay ka wada hadleen xaalada guud iyo gaar ahaaneed ee gobolku ku sugan yahay, waxaanu kulankaasi ahaa mid ku dhamaaday is fahan iyo guul.

Markii kulankaasi dhamaaday Madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray wado laami ah oo dawlada hoose ee burco ka hirgelisay gudaha magaalada, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray xarunta ugu weyn ee Shirkadda Hass Petroleum ku leedahay geeska Afrika oo ay ka dhistay badhtamaha magaalada Burco, taasoo noqonaysa in Shirkadda Hass Petroleum ay waddankii saddexaad ee Afrika ah ku yeelato xarun caalamiya, waxaana nasiib u heshay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ee Somaliland inay noqoto laanta koowaad.

Waxa Kale oo uu madaxweynuhu Xadhiga ka jaray hotel casri ah oo laga dhisay Waqooyiga Magaalada Burco, kaasoo ah hotel aanay magaaladu noociisa hore u  yeelan laguna magacaabo Kaafi Aluminum.

Madaxweynuhu waxa uu deeq raashin kala duwan oo ka kooban shan gaadhi oo xamuul ah, una dhiganta 1,500 oo qoys, kala wareegay Maayarka maayarada Degmooyinka Somaliland ama Maayarka Caasimada Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo hogaaminayey maayarada Dalka oo shirkii maayaradu uga socdo magaalo madaxda labaad ee dalka ee Burco, deeqdaasi oo ay soo ururiyeen maayarada Degmooyinka Berbera, Gabiley, iyo Hargeysa, madaxweynuhuna u ku sii wareejiyey  Maayarada degmooyinka abaartu saamaysay ee uu kormeerka ku soo maray.

Madaxweynuhu Intii uu ku gudo jiray mashaariicdaa kala duwan ee uu suuqyada magaalada dhex marayey waxa isugu soo baxay shacbiga ku dhaqan Burco oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey gacmo furan iyo farxad ay ku dhehnaayeen dheero dhiirigelin u ah madaxweynaha iyo xukuumadiisu. Weftiga madaxweynuhuna waxay soo kicitimeen dhinaca gobolka saaxil oo ay caawa u hoydeen ka dib markii daadad xoogani ay soo rogmadeen kala xidheena isu socodka Berbera iyo Hargeysa, taas oo bilow u ah raxmaad khayr qaba oo ka curtay dalka qaybo ka mida, waana wax Alle loogu mahadiyo.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkaas Qoraalka ah ee Madaxtooyada ka soo baxay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.