“Anigu Maxamuud Xaashi baan Xilka ku wareejiyey, ee Cali-Marreexaan Xil kumaan wareejin..” Xirsi Cali X. Xasan

XIRSI, SIILAANYO, MAXAMUUD XAASHI, SAMAALE, MUUSE, CALI-MARREEXAAN IYO XUBNO KALE 2016

Cali-Marreexaan Hadalkiisu ma Xirsi buu ku socday mise Maxamuud Xaashi? Cabdicasiis Samaale-se siduu u saamaynayey?

Hargeysa(Aftahannews):- Intii Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftiga uu hogaaminayo ay ku guda-jireen Socdaal ay toddoba maalmood oo xidhiidh ah ku marayeen deegaannada Abaarta ba’ani saamaysay ee gobollada Bariga Somaliland, ayaa u kuurgalka xaqiiqada iyo gurmadka Abaarta ka sokow waxa ku ladhnaa hummaagyo badan oo bixinayey fasiraado kala duwan iyo badheedhayaal ka turjumayey xogo aan lagu dhawaaqin xilligii loo baahnaa oo la soo bandhigay intii socdaalkaas lagu jiray.

XIRSI, SIILAANYO, MAXAMUUD XAASHI, SAMAALE, MUUSE, CALI-MARREEXAAN IYO XUBNO KALE 2016
XIRSI, SIILAANYO, M XAASHI, SAMAALE, MUUSE, CALI-MARREEXAAN & XUBNO KALE OO KU KULMAY JIDKA CEERIGAABO 2016

Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftiga uu hoggaaminayo oo xalay soo gaadhay magaalada Burco, ka dib markii ay lugtii u dambaysay ee Safarkaa kaga soo ambabaxeen Ceerigaabo shalay, lana filayo inay u soo gudbaan dhinaca Xarunta Hargeysa, intii ay ku guda-jiray Weftigu socdaalka uu ku maray gobollada Bari, u kuurgalka Abaarta ka sokow waxa meelihii uu istaagay ka mid ahaa Jidka dhismihiisu socdo ee xidhiidhiya Burco iyo Ceerigaabo. Halkaas Madaxweynuhu waxa uu Warbixin Jidkaa la xidhiidha kaga dhegaystay Wasiirka Hawlaha guud Cali-Marreexaan, wakhti u muuqday in hawli ka socotay halkaa.

Wasiir Cali-Marreexaan, waxa uu halkaa kaga dhawaaqay xog uu xusay inaanu hadda ka hor sheegin, isla markaana uu ku tilmaamay inay sheegisteedu hadda daruuri tahay. Markuu xogtaas bandhigayeyna, wuxuu u yidhi sidan; “Madaxwayne waxa laygu wareejiyey oo gadhka lay galiyey 5 Milyan oo Doollar lacag gaadhaysa oo aanan maanta ka hor ka hadlin oo reer abeeso isku dhiib baanu shantaa malyan ula baxnay, oo waddadii iyadoo aan dhamaanin oo la doonayo in ilaa Ceerigaabo la isku xidho oo dayna laygu wareejiyey malaha inaan cararo ayey ahayde. Madaxweyne Wasiirka Maaliyadda  Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaannu faqnay maalintii lay magacaabay, anigoo baqaya ayaan u tagay oo aan ku idhi; ‘hawshaasaa jirta. Waxay igu tidhi, amba maalintii Wasaaradda Maaliyadda lay magacaabay waan baqayey, ee waxba ha baqanine adkayso waynu ka bixi doonnaaye.”

Inkasta oo aanu Carrabka ku dhufan hadalkaasi waxa loo dhadhansaday mid toos ugu socda Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hore gacanta ugu hayey hirgelinta dhismaha Waddadaas. Sidoo kale, xusidda iyo cuskashada Magaca Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan ee la wareegidda xilka Wasaaradda iyo is-shabbaha duruufaha uu xusay, waxay saamaynayeen Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ahaa Wasiirkii Maaliyadda ee ay Wasiir Samsam xilka kala wareegtay, kaasoo Shaqsi ahaan xaadir ku ahaa goobtaa, isla markaana barbar-taagnaa Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi oo hadal-hayntu u badan tahay inuu haatan u noqdo Hoggaanka Kaambaynka iyo Ololaha doorashada soo socota.

Cali-Marreexaan sheegista Dayntaa ka sokow wuxuu ku faanay in hawsha dhismaha Waddada ee uu qabtay intuu xilka hayey ay ka badan tahay wixii hore ee laga qabtay, balse aanu sheeg-sheegin oo ku faanin si loo ogaado, isla markaana waxa uu xusay in Wasiir Samsam si weyn ugu hagar-baxday oo ay ugala shaqaysay. “Rag badan baa igu canaantay oo igu yidhi; ‘waar waxan (dhismaha waddada) maxaad u sheegi wayday?’ Anna waxaan aamminsanahay in wuxu marka uu dhisme yahay ee sida Guriga oo kale la dhiso waa wax cad, waayo? Gurigii marka la yidhaa waa la dhameeyey waa la galayaa oo waa loo hoyanayaa oo cidina odhanmayso lama dhisin. Laakiin, Mmadaxwayne waxa laygaga xariifsanaa Saxaafadda iyo faanfaan badan iyo faataa-dhug badan, manaan samaynin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cali-Marreexaan.

Wakaaladda Dhismaha Waddooyinka Somaliland intii Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan uu xilka hayey, waxay hoos-imanaysay Wasaaradda Madaxtooyada, laakiin markii uu Xirsi iska casilay xilkaas ee uu ku wareejiyey xilkaas Wasiirkii beddelay Maxamuud Xaashi, ka dib waxa Wakaaladda Dhismaha Waddooyinka dib loogu celiyey oo la hoos-geeyey Wasaaradda Hawlaha guud oo ay hore uga tirsanaan jirtay. Taasina waxay dhacday markii Cali-Marreexaan loo dhiibay xilka Wasaaraddaa, isla markaana uu sidaa kula wareegay Hawsha dhismaha Jidka Burco iyo Ceerigaabo.

Haddaba, waxay is-weydiintu tahay Wasiir Cali-Marreexaan, yaa xilka Dhismaha Waddooyinka ku wareejiyey, ma Xirsi Cali Xaaji Xasan, mise Wasiir Maxamuud Xaashi? Sidoo kale, waxa la is-weydiin karaa Xirsi yuu xilkaa ku wareejiyey, ma Maxamuud mise Cali? Waxa kale oo iyana mudnaanteeda leh Cali-Marreexaan weerarkiisu ma Xirsi buu ku socdaa mise Maxamuud Xaashi? Arrimahaa iyo arrinta Daynta Shanta Milyan ee Doollar ah ee Wasiir Cali-Marreexaan sheegay-ba, waxaannu wax ka weydiinnay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu Wargeyska Ogaal xalay Khadka Taleefanka kula xidhiidhay isaga oo jooga magaalada Burco, kana soo laabtay socdaal uu Xisbigiisu ku maray deegaannada Abaartu saamaysay ee Bariga Somaliland.  Xirsi wuu ka cudur-daartay inuu hadda faahfaahin dheer ka bixiyo ammuurtaas, balse wuxu sheegay inuu dhawaan marka uu ku soo laabta xarunta Hargeysa qorshihiisu yahay inuu si waafi ah oo cad uga hadlo arrintaa. “Anigu Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi ayaan xilka ku wareejiyey, ee Cali-Marreexaan xil kumaan wareejin, arrintaa Dayntana mar kale ayaan si waafi ah uga hadli doonaa.” Sidaa ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Dhinaca kale, Weftiga Madaxweynuhu markay ka dhaqaaqeen goobtii Wasiir Cali-Marreexaan Warbixintaa ku siiyey oo Jidka badhtankiisa meel dhismihiisu ka socdo ahayd ka dib, waxay Madaxweynaha iyo Weftigiisu u sii dhaqaaqeen dhinaca Ceerigaabo oo ay markaa ku socdeen. Hase-yeeshee, ka hor intii aanay gaadhin magaalada Ceerigaabo agagaarka Kalsheekh oo u dhaxaysa Ceerigaabo iyo Ceel-afweyn waxaa kaga hor-yimi Weftiga Madaxweynaha Wasiirkii hore ee Madaxtooyada haatanna ah Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa ay Ceerigaabo ka soo laabteen.

Wufuuddaa is-waydaaranaysay ee midna Ceerigaabo ka yimi midna ku socday way hakiyeen socodkii markii ay is-arkeen. Gaadiidkaa la isaga soo degay, isla markaana Xirsi waxa uu aad u salaamay Madaxweynaha iyo Xubnihii la socday, waxaanay salaantaasi dhalisay dareen la wada qoslay, Madaxweynaha, Xirsi iyo Xubnihii kale ee la socday-ba oo ay qaarkood si ba’an siyaasadda isugu hayaan. Laakiin,  waxa la tilmaamay in Xirsi muujiyey qaddarin weyn oo uu u hayo Madaxweynaha oo ah Aabbihii Jaaniska u siiyey meeqaamka uu sida deg-degga ah uga gaadhay Masraxa Siyaasadda Somaliland, halka Madaxweynuhuna uu u muuqday mid farxad ku qaabbilay salaantiisa.

Hase-ahaatee, Xubnaha kale oo uu ka mid ahaa Saaxiibkii Cabdicasiis Samaale oo ay aad isugu dhawaayeen xilligii Gu’ga, balse ay kala baydheen markii ay galeen Xagaaga iyo Kaliisha iyo Xubnaha kale ee hirdanka siyaasaddu ka dhexeeyo oo ahaa ma kala cadda in qosolkoodu ahaa qosol-gariir iyo yaab iyo inuu ahaa mid qalbiga ka yimi.

Falanqaynta Hummaagyada kale iyo wixii soo kordhaba waxaynu eegi doonnaa mar kale.

Xigasho:Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.