Madaxweynaha oo Kulan la Qaatay Guddiga Abaaraha iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sanaag

KULANKA MADAXWEYNE SIILAANYO, WEFTIGIISA IYO ODAYAASHA REER SANAAG CEERI 2016

Ceerigaabo(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xubno ka tirsan Weftiga uu hoggaaminayo oo tan iyo Sabtidii toddobaadkii tegay ku guda-jira Safarka la baxay Tabantaabo ee gobollada Bariga ku maraya, ayaa xalay kulan kula yeeshay magaalada Ceerigaabo Odayaasha Dhaqanka ee gobolka Sanaag iyo Guddiga Abaaraha.

KULANKA MADAXWEYNE SIILAANYO, WEFTIGIISA IYO ODAYAASHA REER SANAAG CEERI 2016
KULANKA MADAXWEYNE SIILAANYO, WEFTIGIISA IYO ODAYAASHA REER SANAAG CEERI 2016

Sidaa waxaa lagu sheegay, War Qoraal ah oo uu kulankaas ka soo diray Xoghayaha Warbaahinta ee Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir, ayaa Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo xalay u hoyday Magaalada Ceerigaabo isaga iyo weftigii balaadhna ee uu hogaaminayey waxay kulan muhiima la qaateen Guddida Abaaraha heer qaran  iyo heer degmo ee Gobolka Sanaag iyo odayaasha dhaqanka ee gobolkaas, waxaanay ka wada hadleen xaalada abaartu baaxada ay leedahay iyo sida dadkaas wax loo gaadhsiin lahaa.

Kulankan oo ay guddida abaaraha heer gobol warbixin waafiya ka siiyeen madaxweynaha iyo weftigiisa waxa ay soo bandhigeen in xaaladu tahay mid ku adag dadka xoolo dhaqatada ah iyo duunyada ku dhaqan dhulkaa, iyagoo hogo tusaaleeyey soona bandhigay in ay jiraan reero shan goor ka guuray gurigii ay degenaayeen abaarta awgeed ka dib markii xerada ay degaanba marka uu waagu beryo ay ugu tegayeen kala badh adhigii xalay la xareeyey oo bakhtiyey.

Madaxweynuhuna waxa uu u balan qaaday in aanay ka xukuumad ahaan waxba kala hadhi doonin dadkaasi abaartu haleeshay, haday  noqoto gargaarka biyaha, saadka dadka iyo xoolaha wixii awoodooda ah, ka guddi ahaana ay dedaalkooda sii kordhin doonaan marwalba madaxweynuhuna uu ku dabajoogi doono sida ay wax u socdaan si dadka iyo duunyadaba loo badbaadiyo ilaahay ayaa wax badbaadin kare.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Warkan ee soo gaadhay Aftahannews ee ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada ee Warbaahintu.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.