Dad Ka Badan Toddobaatan Ruux oo Shiico ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay Koonfurta Baqdaan

QARAX DAD BADAN OO SHIICO AH KU LAAYEY KOONFURTA BAQDAAD 2016

Baqdaad(Aftahannews):- Ugu yaraan 70 Ruux oo Shiico, ayaa ku dhintay Qarax Bamb ah oo ee ka dhacay Jidka goob ay Siyaaranayeen, sida ay sheegeen Saraakiisha Ammaanka waddanka Ciraaq.

QARAX DAD BADAN OO SHIICO AH KU LAAYEY KOONFURTA BAQDAAD 2016
QARAX DAD BADAN OO SHIICO AH KU LAAYEY KOONFURTA BAQDAAD 2016

Qaraxa ayaa lala beegsaday Saldhig Batrool iyo Makhaayad oo u dhawaa Al-Hilla, oo 100-km (60 miles) ka xigta dhinaca Koonfureed magaalada Baqdaad ee Caasimadda Waddanka Ciraaq.

Jidka, ayaa waxaa ka buuxay Dad Shiico ah oo ka soo noqonaya Siyaarada Arbaeen ee magaalada Karbala. Madaxa Ammaanka gobolka Falah al-Radhi, ayaa sheegay dadka dhintay inay u badnaayeen reer Iran.

Kooxda la magac-baxday Dowladda Islaamka ee IS, ayaa sheegtay inay qaadday weerarka. Busas waday Shiicada Iran oo siyaaranayay ayay u eg tahay in lagu beegsaday weerarka, oo ka dhacay meel u dhow tuulada Shomali.

Mr Radhi BBC u sheegay in ku dhawaad 80 qof ay ku dhinteen qaraxa, in ka badan labaatana ay ku dhaawacantay. Dhimashada ayaa la filayaa inay badato. “Waxaa jira ugu yaraan 70 dhimasho, in ka yar 10 ayaa ah reer Ciraaq, inta kale waa reer Iran.” ayuu Mr Radhi u sheegay Wakaaladda AFP.

Xigasho BBCSomali.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com                              

Hargeysa/Somaliland.