Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Taariikhda Abwaan Maxamed Jaamac Kayd & Marxuum kale oo Hargeysa Lagu Aasay

ABWAAN MAXAMED JAAMAC KAYD OO KA HADLAYA BUUG LA SOO BANDHIGAY INTAANU GEERYOONNIN

Ceerigaabo(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay Taariikhda lama illaawaanka ah ee uu ku suntanaa Allaah Naxariistii Janno haka waraabiyee Bare Sare Abwaan Maxamed Jaamac Kayd oo maanta Hargeysa lagu aasay, ka dib markii shalay uu ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

ABWAAN MAXAMED JAAMAC KAYD OO KA HADLAYA BUUG LA SOO BANDHIGAY INTAANU GEERYOONNIN
ABWAAN MAXAMED JAAMAC KAYD OO KA HADLAYA BUUG LA SOO BANDHIGAY INTAANU GEERYOONNIN

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka iyo Marxuum kale oo isna Hargeysa isla wakhti ay ku geeriyoodeen Abwaan Kayd Allaah uga beryey inuu Naxariista Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna Allaah ka siiyo Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Bahda Hal-abuurka iyo Fanka Somaliland iyo Soomaaliyeed-ba.

Waxaana Dhammaalka Tacsidaa Madaxweynaha Xambaarsanaa ee ka soo baxay Madaxtooyada oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, u qornaa sidatan:- “IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Waayeelka, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka kala baxeen ALLE ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Nuur Jiciir oo ku geeriyooday Hargeysa, 21/11/2016, kana mid ahaa golaha guurtida Somaliland in muddo ahna u jiifay xanuunka sababsaday geeridiisa. Waxa uu ka mid ahaa Marxuumku odayaashii ka soo shaqeeyey nabadayntii, dib-u-dhiskii dalka iyo wada noolaanshaha beelaha wada dega Somaliland.

Iyo sidoo kale, Marxuum Abwaan Maxamed Jaamac Keyd oo ku geeriyooday 23/11/2016 Hargeysa, kana mid ahaa Bahda Fanka iyo Suugaanka Caanna ka ahaa dhammaan dhulka ay Soomaalidu degto ama lagaga hadlo afka Soomaaliga, isagoo sidoo kale ka mid ahaa Macallimiinta Jaamacadaha wax ka dhigi jiray illaa Jaamacaddii Lafoole ee Soomaaliya. Marxuumka oo Suugaan tiro badan ugu hiiliyey Qarankiisa in muddo ahna xanuun u jiifay ayaan ahayn mid ka caajisay sidii uu ereyo ugu cabbiri lahaa dareenkiisa ee ay dadkuna ula wadaagi lahaayeen isagoo sameeyey heestii Qabye-tire ee waddada Ceerigaabo markii la bilaabayey dhismeheeda curiyey Abwaanku iyo Suugaan badan oo kale oo aan la soo koobi karin.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Waayeelka, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Bahda Fanka iyo Hal-abuurka iyo Bahda Waxbarashada, Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Shacbiga  Somaliland ee ay ka baxeenna Samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo. Aammiin… Aammiin Aammniin. IN-NAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.” Sidaa ayaa lagu yidhi Dhambaalkaas labada Tacsiyadood xambaarsanaa ee Madaxtooyada ka soo baxay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.