Madaxweynaha Somaliland oo Ceerigaabo Si Yaab leh loogu soo dhaweeyey, Sawirro badan & Warbixin

SOCDAALKA TABANTAABO SIILAANYO SOOL ILLAA SANAAG 2016

Ceerigaabo(Aftahannews):- Madaweynaha Somaliland iyo Weftig uu hoggaaminayo oo Maalintii shanaad ku guda-jira Safarka Tabantaabo ee u kuur-galka xaaladda Abaaraha iyo caawinta dadka ay abaartu saamaysay ee gobollada Bari, ayaa Khamistii Maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, isagoo Weftigu hore u soo maray gobollada Saaxil, Togdheer iyo Sool.

SOCDAALKA TABANTAABO SIILAANYO SOOL ILLAA SANAAG 2016
SOCDAALKA TABANTAABO SIILAANYO SOOL ILLAA SANAAG 2016

Warbixin Xafiiska Warbaahinta qaabbilsan ee Afhayeenka Madaxtooyadu ka soo diray Safarka Madaxweynaha sida Ceerigaabo loogu soo dhaweeyey iyo meelaha kale ee Ceerigaabo ka hor uu Weftigu maray. Warkaas Qoraalka ah oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Weftigii Madaxweynuhu hoggaaminayey ee ku guda Jiray Safarkoodii Tabantaabo oo Maalintii lixaad madaxa la galay maanta oo Khamiis ah, xalayna u hoyday degmada Ceel Afweyn, ayaa subaxnimadii hore ee saaka u amba baxay dhinaca ceerigaabo, waxanay sii kormeeren weftiga madaxweynuhu wadada ceerigaabo iyo burco isku xidha oo shaqo badan laga qabtay iskuna xidhan ceerigaabo ilaa Ceel-afweyn, halka Ina-afmadoobe ilaa War-idaadna uu laamigu isku joogo, inta hadhayna ay taalo caro kaawo sida uu sheegay wasiirka hawlaha guudna ay dhawaan ka faraxalan doonaan dhismaha wadada ceerigaabo ilaa burco.

Waxa kormeerkaasi hadalo ka jeediyey masuuliyiinta wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta oo uu ka mid yahay wasiir Cali Mareexan, iyo Gudoomiyha ahna murashaxa xisbi xaakimka Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, wasiir Caddaani, iyo Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxaanay dhamaantood ku hambalyeeyeen cid kasta oo gacan ka geysatay hawshaa baaxada leh iska xilsaartay sidii ay uga midho dhalin lahaayeen inay wadadaasi noqoto mid midho dhal ah oo halkaasi soo gaadha iyagoo dhamaan si gaara ugu hambalyeeyey wasiirka hawlaha guud mudadii uu xilka hayey waxa uu ka qabtay wadada ceerigaabo.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Qaranka Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo kana mid ahaayeen hadaladiisa “Kulligiin farxad weyn ayey inoo tahay in aynu ka soo qaybgalno dhismaha wadadatan ceerigaabo ee aynu arkayno halka ay marayso waxan leeyahay isgaadhsiintu aad iyo aad ayey muhiim ugu tahay dalka oo dhan wadada ceerigaabana in badan ayeynu ku fekeraynay in badan ayeynu hawlgelinay oo aynu maalgelinay meel wanaagsana way inoo maraysaa waxan jeclahay in aan hambalyo balaadhan halkan uga soo jeediyo in allaale intii ka soo shaqaysay wadadan kambaniyeyaashii ka shaqeeyey iyo dadkii oo dhanba iyo intii gacan ka geysatay intay doonta ha lekatee ilaahay haynala qabto oo dadka iyo dalkaba meel wanaagsan ha mariyo”.

Ka dib weftiga Madaxweynaha waxa si balaadhan oon loo kala hadhin saqiir iyo kabiir laysugu soo baxay magaalada ceerigaabo kooneheeda iyo laamiyada gudaha magaalada oo dad la ceeryoontay maanta, kuwaas oo ku dhawaaqayey soo dhawow Madaxweyne iyo ereyo la mid ah, soo dhawayntaas oo ah mid aanay dadka reer ceerigaabo u kala hadhin kuna muujiyeen jacaylka iyo muxubada ay u qabaan hogaaminta tolmoon ee madaxweyne Axmed Silaanyo ku hagay dalka mudadii uu haneedka hayey.

Waxaanu Madaxweynuhu si toosa u tegay garoonka kubbadda cagta ee ceerigaabo oo dadweynuhu isugu soo baxeen una diyaar garoobeen inay madaxweynaha iyo weftigiisa la tukadaan salaada roobdoonta ee madaxweynuhu iclaamiyey in maalinta khamista ee ku beegan maanta laysugu soo baxo guud ahaan dalka Somaliland loona dareero in Alle la baryo lana tukado salaad roobdoon ah, waxaana markii salaada laga baxay shacbiga la hadlay una duceeyey masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Maayarka Magaalada, Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Culimada gobolka iyo Sheekh Maxamed Aadan oo isagu weftiga Madaxweynaha ka mid ah, Wasiirkii hore ee Maaliyada Samaale, Wasiirka Warfaafinta iyo Madaxweynaha Qaranka oo waxana ka mid ah weedhihii Madaxweynaha “dadweynaha reer ceerigaabo waxa aan aad uga mahadcelinaynaa sida fiican eed noo soo dhawayseen, waxaana aanu u soconaa sidii laydun ku waramay xaalada abaaraha ee dalka ka dhacday ayaanu u soconay arrinteeda, Ilaahayna waxa aynu ka baryeynaa inuu abaartaa inaga jebiyo oo madar khayr qaba cirka inaga siiyo dhibaatada abaartu meel walba way haysataa oo way heshay oo ay saamaysay, laakiin wixii aynu qaban karno waynu qabanaynaa waxa aanu balan qaadaynaa dawlad ahaan in aanu dedaal weyn ka geysano wixii aanu qaban karnana aanu qabano Ilaahayna waynu baryeynaa ilaahaybana inaga korqaadi kara, Ilaahay uunbaa ina kaafiyo kara, Ilaahayna waxaynu ugu mahadnaqaynaa nabadgelyada buuxda ee uu ina siiyey, mar kalena wad mahadsan tihiin sidaad noo qaabisheen eed noo soo dhawayseen, waana mid laydin ku yiqiin ood caado u leedihiin”. Wa-bilaahi Tawfiiq.. Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkaas Xafiiska Warbaahinta ee Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ka soo baxay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.