Daawo Taliye Ku-xigeenka Booliska Somaliland oo Faahfaahinaya Dilal iyo Shilal Casarkii illaa Caawa Ka Dhacay Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Dilal iyo Shilal kala duwan oo gelinkii dambe ee Arbacada Maanta iyo Fiidkii Caawa ka kala dhacay Bariga Hargeysa, Waqooyiga iyo gudaha magaalada, ayaa sababay dhimashada Afar Ruux oo Shacab ahaa, waxaana laba ka mid ahi ku dhacday Xabbado siyaabo kala duwan loogu dhuftay, halka laba kalena Shilal Baabuur ku dhinteen, sida uu xaqiijiyey Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo Caawa Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Ciidammada Ammaanku ku hawlan yihiin baadhista Shilalka iyo Dilalka kala duwan ee Afartaas Ruux ku nafwaayeen iyo dhaawaca lix Ruux oo kale oo Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa la gaadhsiiyey.

Waxaannu Taliye Ku-xigeenka Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo Faahfaahinaya qaabka ay u dhaceen Shilalkaas iyo Dilalkaas sababay dhimashada Afarta Ruux iyo dhaawaca lixda kale, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.