Taliska Booliska Somaliland oo Ka Warbixiyey Laba Dil iyo Shilal ka kala dhacay Bariga, Galbeedka & Gudaha Hargeysa

TALIYE KU-XIGEENKA CIIDANKA BOOLISKA SOMALILAND CABDIRAXMAAN LIIBAAN AXMED (FOOXLE)

Hargeysa(Aftahannews):- Dilal iyo Shilal kala duwan oo gelinkii dambe ee Arbacada Maanta iyo Fiidkii Caawa ka kala dhacay Bariga Hargeysa, Waqooyiga iyo gudaha magaalada, ayaa sababay dhimashada Afar Ruux oo Shacab ahaa, waxaana laba ka mid ahi ku dhacday Xabbado siyaabo kala duwan loogu dhuftay, halka laba kalena Shilal Baabuur ku dhinteen, sida uu xaqiijiyey Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland.

TALIYE KU-XIGEENKA CIIDANKA BOOLISKA SOMALILAND CABDIRAXMAAN LIIBAAN AXMED (FOOXLE)
TALIYE KU-XIGEENKA CIIDANKA BOOLISKA SOMALILAND CABDIRAXMAAN LIIBAAN AXMED (FOOXLE)

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo Caawa Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Ciidammada Ammaanku ku hawlan yihiin baadhista Shilalka iyo Dilalka kala duwan ee Afartaas Ruux ku nafwaayeen iyo dhaawaca lix Ruux oo kale oo Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa la gaadhsiiyey.

“Waxaan doonaynaa inaan idinla socodsiinno Shilal Gaadiid oo intii u dhaxaysay afartii galabnimo illaa lixdii fiidnimo ka dhacay magaalada Hargeysa, shilalkaas waxa uu midi ahaa Booyad iyo Vits (Dukhaan) Hal qof ayaa ku dhihntay, laba kalena way ku dhaawacmeen. Shilka labaad waxa uu ahaa Booyad iyo Susuki Hal Qof ayaa ku dhintay, Afar Qofna waa ku dhaawacmeen.” Sidaa ayuu yidhi Taliye Fooxle.

Taliye Ku-xigeenka Boolisku waxa uu intaas ku sii ladhay; “Dhammaan Dadkii dhibtaasi gaadhay ee dhaawaca ahaa waxa la dhigay Cusbitaalka guud, nimankii Booyadaha iyo Darawaliintiina gacantaa lagu hayaa waxay ku xidhan yihiin Taliska Taraafikada (Ciidanka nabadgelyada waddooyinka) ee Hargeysa, Shilalkaas iyo sidii ay u dhaceenna baadhis baa lagu wadaa, natiijadana markay baadhistu dhammaanto ayaannu soo saari doonnaa.”

Mar uu Taliye Ku-xigeen Fooxle ka hadlayey dil Fiidkii caawa ka dhacay Xaafadda Xero-awr ee gudaha magaalada Hargeysa iyo sida uu u dhacay, waxa uu yidhi; “Waxaa Caawa intii aannu hawlgalkan ku maqnayn naloo sheegay in Nin Madaxa Duubtay uu Nin Farmasi haysta u galay isagoo Baaskoolad wata uu Toogtay, Ninkaa la dilay markii Cusbitaalka la geeyey ayuu geeriyooday, Qof baa loo hayaa, Dilkaa cid baa loo hayaa u xidhan, baadhisteedina way socotoaa.

Sidoo kale, Askari Booliska ka tirsan oo Nin Shacab ah ku dilay dhinaca Waqooyiga magaalada Hargeysa, ayuu ka hadlay Taliye Fooxle, wawxaanu yidhi; “Waxa kale oo aan doonayaa inaan idiin sheego Nin Askari ah oo Booliska ka tirsan oo dhinaca Xeebta ka yimi, dabeedna Baabuurkii ay wateen baa Baabuur lagu hor-gudbay, deedna wuu ka soo degay, Qorigii uu sitay buu ku waabiyey Nin Baabuurkan ka horreeyey ka soo degay, Rasaas baa kaga dhacday, Ninkaasina wuu geeriyooday, Ninkii Askariga ahaana gacantaa lagu hayaa waa xidhan yahay.”

Mar Taliye Ku-xigeenka la weydiiyey Ninka Xaafadda Xero-awr ee degmada Ibraahin Koodbuur ee magaalada Hargeysa Ninka Farmasiga haysta ku dilay Shicib iyo Ciidanka midka uu ahaa, waxa uu ku jawaabay; “Ninkaasi Nin Shicib ah buu ahaa, inaan baadhista ka hor-dhaco ma jecli, Ninkaas la dilay Warbixin hore ayuu geeyey cidda hawshaa ka dambaysa ee ay suuragal tahay inay disho, kiiskaas baadhistiisuna way socotaa.”

Sidoo kale, Taliye Ku-xigeenka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Fooxle oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey cidda ay u hayaan dilka Xero-awr ka dhacay inuu yahay qofkii dilkaas geystay iyo Eheladiisa bal inuu kala caddeeyo, waxa uu sheegay in baadhitaanka lagu kala saari doono oo aanu ka hor-dhici doonin baadhista socda.

aftahanicn@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.