Xildhibaan Baarlamaanka Britain ka Tirsan oo ku Baaqday in si deg-deg ah loogu Gurmado Somaliland

XILDHIBAANNO KA TIRSAN BAARLAMAANKA UK IYO WAKIILKA SOMALILAND EE UK 2016

London(Aftahannews):- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Boqortooyada Britain oo lagu magacaabo  Rushnara Ali, ayaa Caalamka, Dawladda iyo Dadweynaha reer Britain ugu baaqday inay u gurmadaan Dadka reer Somaliland ee ay Abaaruhu saameeyeen, sida lagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska lagu magacaabo Somaliland UK Mission.

XILDHIBAANNO KA TIRSAN BAARLAMAANKA UK IYO WAKIILKA SOMALILAND EE UK 2016
XILDHIBAANNO KA TIRSAN BAARLAMAANKA UK IYO WAKIILKA SOMALILAND EE UK 2016

War Qoraal ah oo Somaliland UK Mission Warbaahinta Somaliland u soo kala dirtay oo Nuqul ka mid ahi xalay soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com, ayaa lagu sheegay in Xildhibaan Rushnara Ali oo shalay iyada iyo Safiirka Somaliland ee Ingiriiska u fadhiya Ambassador Cali Aadan Cawaale Shir Jaraa’id oo wada-jir ah ku qabteen Xafiiska Xisbiga Shaqaalaha ee Bethnal Green, Xaafadda Towerhamplets ee magaalada London, ay kaga baaqday in macaawimo degdeg ah lala gaadho dadka ay saamaysay abaarta ku habsatay Somaliland.

wakiilka-somaliland-ee-uk-iyo-xildhibaan-ka-tirsan-baarlamaanka-uk-2016
wakiilka-somaliland-ee-uk-iyo-xildhibaan-ka-tirsan-baarlamaanka-uk-2016

Xildhibaan Rushnara oo daliishanaysa qoraalllo kala duwan oo ka soo baxay Somaliland iyo Ururro caalami ah, ayaa sheegtay inay muhiim tahay in la caawiyo dadka abaarta ba’ani ku habsatey ee ku dhaqan gobollada Sool, Togdheer, Sanaag, Saaxil iyo meelaha kale ee abaartu ka jirto dhulka Somaliland. Waxaana Qoraalkaas oo Nuqul ka mid ah Wargeyska Ogaal helay u dhignaa sidan:-

“Xildhibaan Rushnara Ali waxay ballan-qaadday iney door weyn ka qaadan doonto xooggana saari doonto sidii ay u gaadhsiin lahayd baaq haya’daha kala duwan ee UK oo dhan, kana codsan doonto kaalmo degdeg ah oo la gaadhsiiyo gobolladaa ay abaartu ku saamaysa.  Waxa kale oo ay sheegtay in ay arrintan si gaara ugala hadli doonto Wasiirka Hay’adda Mucaawimada caalmiga ah ee UK (DFID).

Waxa shirka isna ka soo qayb galay,  Mayor ku xigeenka degmeda Towerhamplets oo ballan qaaday inu ka hawl geli doono sidii degmeda Towerhamplets qayb libaax uga qaadan lahayd hawsha taakulaynta abaaraha ka jira Somaliland oo ay degaan dad aad u badan oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Safiirka Somaliland ee UK Amb. Cali Adan Cawaale oo halkaa ka sheegay baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u diray bulshada caalamka, ugu qaybiyey nuqullo baaqa ah ururradii shirka ka soo qayb galay ayaa ka codsaday deeq bixiyeyaasha iyo dadkii goobta ku sugnaa inay dhakhso ugu gurmedaan walaalahooda abaarta la dhibaataysan.

Waxa madasha ku sugnaa xubno reer Somaliland ah oo ka warramay dedaalka ay ugu jiraan gergaarka walaalahood iyo dad door ah oo ka soo jeeda qoomiyadda Bengali-ga oo muujiyey sida ay ugu diyaar yihiin ka qayb qaadashada sabata bixinta dadka abaaruhu ku habsadeen.

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalkan UK Amb. Cali Adan Cawaale ayaa hadalka soo xidhay isagoo ku celceliyey gergaarka looga baahan yahay gobolladaa abaarta laxaadka lihi ku habsatay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin una mahad celiyey madaxda iyo deeq bixiyaasha ka soo qayb galay shirka. Allaa Mahad leh. Somaliland UK Mission.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalkan Aftahannews soo gaadhay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.