“Wadahadallada Soomaaliya & Somaliland Daacad Kama aha, lamana wada ogee..” Wasiir Maareeye

WASIIR MAXAMED CABDI XAYIR (MAAREEYE) IYO WERIYE CABDIRISAA-TERA 2016

“Soomaalidu weli may helin hoggaan sax ah oo boogihii dhaya, oo boogihii dhaya oo hagaajiya oo Waddani ah…” Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)

WASIIR MAXAMED CABDI XAYIR (MAAREEYE) IYO WERIYE CABDIRISAA-TERA 2016
WASIIR MAXAMED CABDI XAYIR (MAAREEYE) IYO WERIYE CABDIRISAA-TERA 2016

Muqdisho(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa sheegay inaanay Dawladaha Soomaaliya iyo Somaliland Daacad ka ahayn wadahadallada u dhexeeyay sannadihii ugu dambeeyey inkastoo tan iyo bishii saddexaad ee sannadkii hore hakad ku jireen wada-xaajoodyadaasi.

Wasiir Maareeye waxa kale oo uu sheegay inaanay Soomaaliya weli helin Hoggaan fiican oo soo celin kara Mindimadii Soomaaliya, isla markaana dhayi kara boogaha iyo tabashooyinka Soomaalidu dhexdeeda kala tabanayso oo sidii loo baahnaa isugu soo dhawayn kara, midnimada ka dhex-abuuri kara.

Sidaa waxa uu ku sheegay Wasiir Maareeye Waraysi uu siiyey Weriye Cabdirisaaq-Tera oo ka tirsan TV-ga Kalsan, wakhtiganna ku sugan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana su’aalaha Wasiirka uu weydiiyey ka mid ahaa sida uu u arko in Midnimadii Soomaaliya lagu soo celin karo.

Waxaanu Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka jawaabaya su’aashaas, waxa uu yidhi; “Marka ugu horreysa Sida Soomaalidu inay dib ugu kabsato Midnimo ay ku rabtaa sax maaha, weli may helin hoggaan sax ah oo boogihii dhaya, oo boogihii dhaya oo hagaajiya oo Waddani ah oo halkay ka qalloocatay Qolo waliba wixii ay tabanayso ka soo daweeye.”

Sidoo kale, Wasiir Maareeye oo la weydiiyey mar haddii wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay dawladda Martigelinaysay sannadihii u danbeeyey ee Turkiga shaacisay inay uga dan leedahay soo celinta Midnimada Soomaaliya, Madaxweynaha Somalilandna gaashaanka ku dhuftay taas iyo halka ay Xukuumadda Federalaku ka taagan tahay wakhtigan, waxa uu ku dooday inaan labada dhinac midna daacad ka ahayn.

“Soomaalidu wadahadallada daacad kama ah, Dawladda Federaalka ahina daacad kama aha, dawladda Federaalka ah Hay’adeheeda oo dhami ma oga in xataa dib-u-heshiisiini socoto, Somaliland in wadahadal lagula jiro Golaha Wasiirradu ma wada oga, Golaha Baarlamaanku ma oga. Shaqsiyaad uun Madaxtooyada iyo Meelahaa laga diro uun weeye, labada dhinac-ba, maaha wax wadahadallo ah oo dhab ah.” Sidaa ayuu yidhi oo uu su’aashaa sare kaga jawaabay Wasiir Maareeye.

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.